Iyadoo uu dhowaan furmay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka uu qoraal abuuraya xiisad siyaasadeed u diray Madaxweyne Farmaajo.
Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa ku saabsan mowqifkii ay dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka, wuxuuna ka dalbanayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo in dib loo eego.
Guddoomiyaha Gudigan oo hore u ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyay arrintan, isagoo qoraalka u geeyay madaxweynaha, mana cadda in guddigu u dhan yahay inuu isagu wato.
Wararka ayaa sheegaya in Qoraalkan uu dowladda Farmaajo ugu baaqayo dood laga yeesho go’aanada noocan oo kale ah, isla markaana laga talo geliyo maamulada, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada golaha shacabka, taasoo yareyn karta in xaaladda khilaafka Khaliijka saameyn ku yeelato xasiloonida dalka iyo danta shacabka.
Maamulada dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanda qaarkood ayaa si cad hore uga hadlay arrintan iyagoo dalbaday in dowladda Soomaaliya ay la safato dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana xildhibaanada qaar ay arrintan u adeegsanayaan culeys ay saaraan Madaxweyne Farmaajo.