Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii hore ayaa ka cudur daartay kana baxay xubinnimada Guddiga Baarlamaaka u magacaabay loo saaray kiiskii Sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbi Dhagax.
Mudane Odawaa ayaa sheegay inuu ku maqan yahay safar shaqo oo dibadda ah, isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku daray Odowaa Guddiga ka kooban 15-ka xubnood ee 15 xubnood ee loo saaray inay warbixin lagu go’aan qaato ku hor geeyaan Baarlamaanka kiiskan 10-ka bisha October.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mida kooxda Qabyo ee Damjadiid ay saluugsan yihiin qaabka uu arrintan u galay Guddoomiye Jawaari oo laga shaki qabo inuu heshiis hoose kula jiro Xukuumadda Soomaaliya.