Waxaa magaalada Beledweyne Galabta ka dhacday Doorashada Kursi ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP039 waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah CalI Xaaji Aadan Abubakar iyo Aamina Xaaji Bile Cali, iyadoo musharixiintii badnaa ee kursigan laga rebay tartanka.
Natiijada hordhaca waxaa ku guuleystay Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo helay 86 cod, halka Murashaxii Aamina Xaaji Bile Cali ay ka heshay 13 cod, waxaana halaabay 2 cod.
Waxaa Beledweyne kusoo gabagaboobay dhammaan kuraastii taallay, marka laga reebo hal kursi oo ah kii ay ku fadhiday, una sharaxneyd Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Qarax ka dhacay magaaladaasi.