Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay laga duway qaabkii uu ahaa haddana arrintu ku socoto federaal nooc kale ah oo la is boobayo, kuna dhisan sed bursi iyadoo ay dowladda Federaalka raali ka tahay.
“Cadaalad darro kasta oo maamulada ka jirta dowladda dhexe ayaa sabab u ah, Wax aan ayaga ku daabneyn ma socdaan, in shacabka Soomaaliyeed kala sareyn iyo kala awood sheegasho, indha caddeys, yaa hadal badan iyo yaa xoog badan wax lagu maamulo iyadaa sabab u ah” ayuu yiri xildhibaan Dalxa oo ka hadlay dooda mooshinka Jubbooyinka laga keenay ee doodiisu ka socoto Baarlamaanka Soomaaliya
Cadaalad darrada waa in caam ah oo Baarlamaanka wax ka qabto, “Federaalka sidii aan ku soo heshiinay si aan ahayn ayuu ku socdaa oo umadda Soomaaliyeed ha loo soo noqdo sida uu federaalku ahaa ee sharciga ah ha loo soo noqdo..” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo sii raaciyay in beelaha qaarkood la naas-nuujinayo, qaar la quudinayo qaarna la qadinayo, wuxuuna soo jeediyay in si guud ahaan ah baarlamaanku ugu soo jeesto arrintan ee aan lagu mashquulin arrimo yaryar oo gaara.
Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Dalxa
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]