Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Faarax C/qaadir oo farriin Qiiro leh ku sifeeyay Qarixii Muqdisho [Maanta waa murugo, taladana..]

    Xildhibaan Faarax C/qaadir oo farriin Qiiro leh ku sifeeyay Qarixii Muqdisho [Maanta waa murugo, taladana..]

    October 15, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo hore u soo noqday Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa farriin qiiro leh ku sifeeyay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

    Xildhibaanka ayaa waxa dhacay ku tilmaamay arrin aan hore loo arag oo intii uu dalku joogay aanu arag, isagoo tilmaamay qaabkii ay goobta ugu sugnaayeen dadkii qaraxa lagu laayay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA FAARAX C/QAADIR

    Inkastoo aan dalka ku noolaa, goobjoogna u ahaa dhacdooyin badan oo naxdin leh, oo qaarkood ay ku nafwaayeen xubno qoyskayga ah, waxii shalay dhacay wax la mid ah ima soo marin.
    Waxaan aad uga fogaa isgoyska zoppe oo aan u jiray in ka ban 4km. Markuu qaraxa dhacay waxaan u qaatay dhawaqiisa inuu yahay guriga igu dheggan, markii la ii sheegay inuu isgoyska Zoppe yahay, waxaan gartay inaysan waxu caadi ahayn. Ilaa maanta aan booqdo isbitaalada iyo goobtii xasuuqa uu ka dhacay, waxaa xalay oo dhan isoo gaarayay farrimaha naxdinta leh oo marba qof dhintay la ii sheegayo. Waxaan wali maskaxdaydu qaadan la’dahay waxa uu ku salaysan yahay fikirka dhowr boqol oo qof oo kala duwan lagu gumaadayo.
    Dadka la beegsaday qaarkood waxay ku jireen salaadda casar ee masjidka Hotel Safari sida Abuukar M daahiye, Cabdisalaan Subagle iyo nabadoon Bashiir (inta ay aqoonta dhaw naga dhaxaysay), qaarkood waxay lafagurayeen xisaabxirka ganacsigooda maadama lagu jiro bisha Muxaram (Zakada) si ay u bixiyaan Zakada, qaarkood waxay ahaayeen dhaqaatiir u degdegayo bukaan ku sugayay isbitaalada ku dheggan, qaarkood harqaamada ayeey ka qaadanayeen dharkii ay uga qaybgali lahaayeen xaflad jaamacadeed, qaarkood loos ayeey gadayeen, qaarkood gaadiidka dadweynaha ayeey saarnaayeen oo dhulakaba ma taagneeyn, ma tirin karo waxa qof kasta oo dhowrkaa boqol ka mid ah uu hayay amaba ku fikirayay saacaddaas, waxaanse hubaa inaanu qofna islahayn, waa lagu qarxinayaa oo waxaad u gubanaysaa sida geedaha dhuxusha laga shido. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii dhaawacantay Allaha caafiyo, intii hantidooda burburtayna Allaha baddal khayr qabo siiyo, inta qalbigooda wax gaareenna Allaha u kabo.
    Markaan galabta ka mid goobahaas ayaa diblomaasi ajnabi ah ii tacsiyeeyay, waxuuna ii raaciyay: “ haddaanay tanoo kale horaan idiin kugu dhicin, waa maxay waxa idiin dhiman ee haddii la idinku sameeyo aad gacmaha isu qabsan doontaan si aad mushkiladahiinna xal ugu heshaan”.
    Mahad gaar ah waxaa leh howlwadeennada caafimaadka, hay’adaha gurmadka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale dawladda Turkiga oo billowday gurmad caafimaad, iyadoo xalay isbtaalka Erdogan (Ex Digfeer) la dhigay in ka badan 200 oo dhaawac ah, caawana qaar loo duulinayo dalka Turkiga. Waxaa isoo jiitay sida shacabkeennu ugu deeqeen dhiiggooda. Waxaan hubaa inaan baajin karno dhiigga kuwii inaga dhimanaya amaba dhaawacmaya iyo dhiiggii aan ku deeqayno labadaba, haddaan si mug leh u fikirno.
    Maanta waa murugo, talada waa inoo dambaysaa idam Alla.
    Farah Sheikh Abdulkadir

    Banaadir Faarax Sheekh C/qaadir Muqdisho Xildhibaan Faarax C/qaadir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBisha Cas ee Turkiga oo Raashin gaarsiisay howl-wadeennada Gurmadka Muqdisho [Sawirro]
    Next Article Somalia Blast Toll at 237 as Residents Protest Al-Shabab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo