Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Fiqi: Aaway Caddaaladii Madaxweyne Farmaajo Ballanqaaday? [Qormo xasaasi ah]

    Xildhibaan Fiqi: Aaway Caddaaladii Madaxweyne Farmaajo Ballanqaaday? [Qormo xasaasi ah]

    May 1, 20172 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cabdullahi Axmed Cabdullahi (Qoslaaye) wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Bankiga dhexe gaar ahaan qasnajiyaasha, waa wiil dhallinyaro ah oo ku tilmaaman akhlaaq, shaqo wanaag & ammaano.

    Waa ninkii kashifay lacagtii doollarka been-abuurka aheyd ee bankiga la isku dayey in la gaiyo sanadkii hore, balse markii danaba si qasab ah lagu dhigay si lacag kale loogu bedesho.

    C/laahi meeshii abaalmarin laga siin lahaa, si loo dhiirigaliyo kumanaanka dhallinyarada shaqaalaha dawladda ah, wuxuu daacadnimadiisaas ku mutaystay in shaqadii laga eryo, oo ay dhibsadeen madaxdii Bankiga dhexe qaar ka mid ah.

    Tan la yaabka leh waxey tahay in C/hi Qoslaaye ay isku dayeen madaxda Bankigu in si xaal-mastuur ah in shaqada looga eryo maadaama uu sir badan hayo asagoo loo yaboohay adduun badan, laakin wuxuu ka doorbiday in kiiskiisa caddaaladda uu horgeysto, uuna ku qanacsan yahay wixii uu sameeyey ee shaqada looga eryay in ay aheyd gardarro & cadaalad-darro, wuxuu maxkamadda sare ka furtay dacwo, muddo dhowr bilood ah ka dib C/hi dacwadii waa ku guuleystay, waxaana loo xukumay inuu shaqadiisii ku laabto iyo in magdhow la siiyo.

    =Wiil dhallinyaro oo cadaalad raadis ahaa oo dacwo socotay qiyaastii 6 bilood ka guulaystay garsoor aan ognahay sida xaalkiisu yahay iyo dadka dacwada uga soo horjeeda jeebkooda, waa la qiyaasi karaa waxa dhaqaale uga baxey & dhibka uu maray, balse waxay noqotay ayaandarro markii maxkamadda sare ay u diiday natiijadii xukunka dacwada si uu ugu laabto shaqadiisii, ayadoo mar kale loo soo jeediyey xaal-mastuur iyo xoogoo inta la siiyo in uu iska baxo.

    Shalay ayey aheyd markaan soo qoray garsoorkii dalku wuxuu noqday “Ninkii xoog leh ayey xaajo u falantaa”. Arinta C/hi waa mid ka mid boqolaalka dulmane ee ku dhibban garsoor-xumada maxkamadaha dalka, haddii madaxweyne Farmaajo ballanqaaday cadaalad waxaan halbeeg uga dhigaynaa waxa uu ka qabto arinta C/hi Qoslaayo oo ay tahay in la siiyo billad DAHAB daacadnimo, ammaano, wadaninimo ah iyo in dhismaha garsoorka loo soo jeesto ayadoo isbedel dhab iyo garsoorayaal nadiif la keenayo.

    Aniga iyo xildhibaanno kale oo dhowr ah waxaan u istaagaynaa in aan dhibbane C/hi Qoslaaye garab-istaagno isla markaana kiiskiisa daba-soconno illaa inta aan ka xaqiijinayno in uu shaqadiisii dib ugu laabtay.

    Ugu danbayn Musuqa iyo cadaalad-darrada ay madaxda dawladda maalin walba la qaylinayaan in ay la dirirayaan asagoo nool nool ayuu xafiisyada dawladda fadhiyaa, haddii ay wax ka qabanayaan, haddii kale warkoodu wuxuu noqonayaa maaweelo & boolo-xoofto aan wax ficil ah lahayn.

    W/Q: Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

    Axmed Fiqi Bankiga Dhexe Cadaallad darro Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Hirshabeelle oo Qoraal ka dhan ah dowladda Federaalka u diray Xildhibaanada laba Gole
    Next Article FAAHAAHIN: Dagaal culus oo Caawa ka socda tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo