Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Fiqi: “Hadalkii Sheekh Shariif uu la macno ahaa “Muska Usha ku dhufo bahallada ku jira haka soo boodaane”

    Xildhibaan Fiqi: “Hadalkii Sheekh Shariif uu la macno ahaa “Muska Usha ku dhufo bahallada ku jira haka soo boodaane”

    November 13, 2019Updated:November 13, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka sharaxaad ka bixiyey dadkii uu ku socday hadalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee dooda dhaliyey, isagoo u qeybiyay afar qeybood oo uu dusha u saaray dhibaatadii dalka soo martay.

    “Hadalkii Sheekh Shariif ee dad badani ay aadka u falanqeeyeen maalmihii la soo dhaafay waxaa ku jirey afar nooc oo dad ah oo dalka dhibkii soo marey qeyb ka ahaa oo saddex ka mid ah dhibkoodii umadda la dhaafsiiyey, qeybta u danbaysana digniin culus loo direy..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo afarta qeybood ee Sheekh Shariif u dan lahaa ka dhigay sida soo socota:

    1️⃣ Qeybta koowaad: Mooryaantii dhibka umadda ku heysay ayaan dalkaan ka saarnay ayuu xusay! nin ayaa u hadlay kuwaas oo isla maalintii xigteyba shir jaraa]id qabtey asagoo ciil la hinraagaya ayna u wehliso mugaan dhawaaqo dheef i sii!.

    2️⃣ Qeybta Labaad; ciidamadii Tigreega iyo dabadhilifkoodii dalka ku soo duuley ayaan xoog ku bixinnay ayuu yiri; ayadana waxa ka xanaaqey afhayeenkoodii waagaas oo hadda baagamuudo ku ah MUQDISHO ka djb markii xasuuqa dadkiisa loo adeegsaday, haddana cayda dadkiisa loo adeegsanayo, ninkaasi umadda ilaahay wuxuu ugu jecel yahey kuwii uu u shaqayn jirey cidda u shaqaysa!

    3️⃣ Qeybta Saddexaad: Alshabaab iyo argagixisadii in Muqdisho iyo gobollada u dhow awood looga saaray ayuu tusaale u soo qaatey, ayagana waxaa u hadlay aasasahoodii oo alshabaabkii laftoodii ay soo dayriyeen ka dibna dooni ay la soo caariday sanadkii 2013, haddana xabsi guri ku ah Muqdisho. Asna wuxuu soo goconayaa jabkii August 2011 looga saarey Muqdisho.

    4️⃣ Qeybta Afraad: aaway jawaabtii madaxweyne Farmaajo qeybtii ka khusaysay hadalka Sheekh Shariif? mise wuxuu ku kaaftoomey oo qancisay hadalkii “waxaad sheegto ha waayinta ahaa” ee Maareeye saq dhexe oo habeennimo asagoo calwasaadaya uu ku qeyliyey? nimankaas soo jabey warkooda kuma ilaawayno inaan ku weydiinno jawaabtii afraad ee lagaa sugaayey? Sharciga qaado ama shaarica qaad?.

    Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu la macno ahaa “Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane”, wuxuuna intaas ku daray: “Dadkii aan taariikhahaas soo joogin waxey kala barteen qolooyinkii uu Sheekh Shariif sheegay oo ayaga oo nool banaanka isa soo dhigey kadib hadalkiisii uu ku hogo tusaaleeynayey kooxda Villa Somalia in wadada sharciga ay dib ugu soo noqdaan!..”

    Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Top Xildhibaan Fiqi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXukuumadda Somaliya & Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Mashruuc ku kacaya 10 Milyan oo Doollar
    Next Article Haweeney si lama filaan ah isugu magacawday madaxweynaha Dal ku yaalla Koonfurta America

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo