Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo safarkiisii koobnaa ee uu galabta ku gaaray magaalada Beledweyne oo biyo ay go’doomiyeen.
“Ma garan karo sabab keeni karta In dacalka biyihii fatahaadda webiga Shabeelle uu madaxweynuhu asagoo ku labisan Dhar sports inuu lugaha kusoo qoysto, waxaan la yaabanahay sababta uusan u booqan dadkii magaalada ka barakacey halka ay joogaan? Haddiiba aan sawir laga maarmeyn ugu yaraan muxuu asagoo kaalmo qeybinaya isugu soo sawiri waayey?” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo dhinaca kale soo dhoweeyay safarka Farmaajo.
Xildhibaan Fiqi oo si weyn u mucaaradsan madaxda dowladda Federaalka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay ahayd inuu madaxweynaha waqti intaas ka badan ku qaato magaalada Beledweyne. “Waxaa taas ka sii daran waxey aheyd inuu caawa ugu yaraan la baryo dadka reer BELEDWEYNE, la qeybsado banaanka ay jiifaan, dhaxanta iyo duruufta adag, ma qabato reer BELEDWEYNE in sidii nin dalxiis ah uu hal saac oo kaliya la soo joogo. Dhibka Beledweyne saacad kaliya kuma filna madaxweyne?!..” ayuuna yiri.