Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Fiqi oo isu bedelay Xisaabiye idman [Akhriso warbixin uu ka qoray musuqa Gud. Yariisow]

    Xildhibaan Fiqi oo isu bedelay Xisaabiye idman [Akhriso warbixin uu ka qoray musuqa Gud. Yariisow]

    April 30, 2019Updated:April 30, 20197 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sii wada dagaalka baraha bulshada ee uu ku beegsanayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusman, wuxuuna markan soo qaatay warbixin sanadkii hore uu maamulka G/banaadir ka diyaariyey hantidhowrka Qaranka.

    Xildhibaan Fiqi oo hore weerar ugu hayey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna magaalada Nairobi uga baaqay in xilka laga qaado Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa hadda weerarkiisa ku wajahay Duqa Muqdisho, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu weerarro maamulka Gobolka Banaadir.

    Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa dad badan u arkaan ololaha uu kula jiro dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inuu yahay aargoosiga ballan uu madaxweynaha uga baxay xilligii doorashada oo ahayd in loo magacaabo Ra’iisal wasaare.

    Hoos ka akhriso Warbixin dheer oo Fiqi ka qoray baaristii sanadkii hore ee Hantidhoworka kasoo saaray maamulka maaliyadda Gobolka Banaadir

    BADWAYNTA MAAMUL-XUMADA & WAX ISDABAMARINTA EE UU DHEX-DABAALANAYO GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR!

    GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN YARIISOW XAQ MA U LEEYAHAY IN UU SIDAAN UGU TAKRIFALO CANSHUURTA & DHAQAALAHA MUQDISHO LAGA URUURIYO, HADDANA UU DIIDO IN LA XISAABIYO?!

    Dadka caasimadda ku nool iyo kuwo booqashada ku yimaadaba waxey is -weydiiyaan su’aalo waa weyn: 
    Maxaa ka qaldan caasimada Muqdisho? 
    Maxaa magaalada Muqdisho oo ah caasimadii dalka ka dhigay magaalo qashin qub u eg, wadooyinkeedu ay habeenkii yihiin mugdi, qaarkoodna ay weli burbursan yihiin, caruurta da’da waxbarashada gaartay ee danyarta ah ee ku nool magaaladan aysan 80% haysan iskuullo ay waxbarasho u tagaan, sidoo kale ma lahan Muqdisho isbitaallo maamulka gobolku uu gacanta ku hayo oo adeegyo caafimaad u fidiya hooyada iyo dhallaanka, dhallinyarada reer Muqdisho waa kuwo aan shaqo heysan hadana maalin kasta uu Guddoomiye Yariisow ka sheego xafladaha lagu baabi’iyo canshuurta dadka in uu shaqo siinayo dhallinyarada,

    Muqdisho waa magaalo deris la ah qaraxyo iyo Khasaare joogto ah oo ka dhasha qaraxyadaas.

    Dadkeedu ma helaan biyo nadiif ah iyo koronto raqiis ah, ayadoo intaas ay dheer tahay in dadka Muqdisho laga qaado canshuuro aan sal sharci ah lahayn oo Baarlamaanka Soomaaliyeed meel mariyey.

    Haddaba su’aasha sharcigaa waa xagee lagu bixiyey malaayiinta doollar ee uu maamulo guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan yariisow?

    Jawaabahaas iyo kuwo kale oo madaxa daalinaya waxaa bixinaya xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

    Dokumintiyada Lifaaqa ah ee xafiiska hanti-dhowrka qaranka ka soo baxey 17/11/2018, waa baaris dastuuri ah oo uu sameeyey xafiiska hanti-dhowrka guud ee qaranka lixdii bilood ee u horeysay sannadkii 2018 (Jan – June 2018), waxaa la baaray qeybaha dawladda hoose ay ka kooban tahay sida: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka iibka, Shaqaalaha, Qaab-dhismeedka, Heshiisyada Mashaariicda & Habtida Guurtada iyo Maguurtada.

    Natiijadii baarista xafiiska hantidhowrka waxaa lagu ogaaday:

    1. Canshuur kooxihii uruurinayey ay sii canshuurayaan ayagoo inta anaay xarayn ka hor khidmad ka sii goosanaya, sida ku cad page1, taasoo xadgudub ku ah sharci Lambar 317 ee soo baxey 17/12/1962.

    2. In aysan dawladda hoose lahayn habraac tarriifo sharci ah, kuwa jirana ay yihiin kuwo gacan ku rimis ah, iyadoo ay la yaab lahayd in waaxda caafimaadka dawladda hoose ee Muqdisho ay tariifo la’aan dakhli iska qabato gaar ahaan maraakiibta raashinka iyo dadka loo sameeyo kaarka aqoonsiga.

    3. Habka lacag qabashada Dawladda hoose waxaa lagu tilmaamay mid aad u liita, mana jiro nidaam guud oo loo maro lacag qabashada iyo keydinta dokumintiyada lagu qabtay dakhliga, taasoo baalmarsan sharciga maamulka iyo maaliyadda dalka Sharci Lambar 317 qodobkiisa 160-aad faqradiisan 2-aad.

    4. In aysan dawladda hoose lahayn wax halbeeg ah oo lagu cabiro dakhliga sanadlaha ee soo gala, ayadoo aan looga soo uruurin cansuuraha si dheelitiran degmooyinka G. Banaadir, halka degmoooyinka qaar xoogga la saaro, kuwa kalena sidii la rabay aan looga soo uruurin.

    5. In dawladda hoose aysan lahayn miisaaniyad sannadeed qorshaysan, saldhigna looga dhigay dakhliga guud ee dawladda hoose u soo xarooda, taasoo keentay in qaab jaantaa-rogan ah loo bixiyo kharashaadka.
    In ay jiraan hey’ado & shakhsiyaad ka baxsan dawladda hoose oo si joogto ah ah loo siiyo lacago ah canshuurtii shacabka Muqdisho laga qaaday!.

    6. Muddo 6 bilood ah dawladda hoose waxey kharash-garaysay adduun gaaraya $16, 556.504.75 (Toban & lix malyan shan Boqol konton iyo lix kun iyo shan Boqol & afar, iyo sentiyaal). Kharashaadkaasi ma lahayn caddeymo ku filan isla markaana laguma samayn wax xisaabcelin ah.

    7. Magaca khasniga guud waxaa bankiga dhexe looga soo bixiyey lacag gaaraysa $5,972,085.82 (Shan Malyan, sagaal Boqol & todobaatan iyo laba kun, iyo sideetan shan iyo sentiyaal) ayadoo aysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya in dadka la siinayey lacagahaas la gaarsiiyey!! iyadoo qaabka lacagahaan lagu bixiyo aysan ahayn kuwo la waafaqsan lana jaanqaadi kara hannaanka Maaliyadda ee dalka.

    8. Habka iibka dawladda hoose in uu yahay mid aad u liita, qandaraasyada la siiyey shirkado hawlo u qabtay dawlladda hoosena aysan ahayn kuwo loo maray hab iib & tartan furan, arrinkaasoo dhiiragalinaya musuqa, naasnuujinta, maamul xumada & xatooyo xoolo dadweyne, kana soo horjeeddo sharci lambar 22 ee soo baxay 09/08/2016.

    9. Shaqaalaha gobolka Banaadir oo gaaraya 1,585 shaqaale, waxaa gunnada ay qaataan qaarkood si aysan raalli ka ahayn oo qasab ah looga jaraa tan iyo 2014 lacago baad ah oo gaaraysa 30%, ayadoo xafiiska hantidhowrku uu ku tilmaamay sharcidarro. Dhanka kale waxaa jira dad loogu magac-daray la taliyaal qaata gunno kuwaasoo aan lahayn tixraac waajibaad iyo heshiis shaqo oo lala galay (eex & naasnuujin).

    9. Waaxda kormeerka & Baarista dawladda Hoose ma ahan mid xooggan si hufanna u gudan karta waajibaadkii loo igmaday.

    10. Dawladda hoose ma lahan Qaabdhismeed diyaarsan oo qoran kaasoo ka turjumaya baahida iyo shaqada baaxadda leh ee hortaalla, ayadoo keentay isku dhexyaac dhinaca shaqada ah.

    11. Dawladda hoose waxey heshiiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay gashay sanadkii 2018, ayadoo aan lahayn xafiis qaabilsan heshiisyadaas, dhanka kalena aan

    12. Heshiisyadaas laga soo diiwaangalin xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka taasoo xadgudub ku ah sharciga maamulka & maaliyadda Sharci lambar 2 ee soo baxay 27/12/1971 qodobkiisa 33-aad.

    14. Dawladda hoose ma lahan hab wanaagsan oo lagu maamulo hantida guurtada ah & maguurtada, ayadoo keydkii & diiwaangalinta hantidu uusan ku jirin gacanta dawladda hoose.

    15. Ayadoo dhaqaalo malaayiin ah uu soo galey dawladda hoose ayna muuqato in la bixin karo deymaha shaqada lagu galay ayaa haddana waxaa jirta deymo lagu leeyahay kuwaasoo kor u dhaafaya hal malyan dollar.

    Gabagabadii, canshuurtii G. Banaadir, Haddii dadkii bixiyey aan wax horumar ah loogu samyanin, dhallinyarada gobolkaan oo xaq u lahaa in lagu shaqaalaysiiyo ay shaqo la’aan yihiin, Guddoomiyaha Yariisow jileeciisa iyo guulwadayntiisa ay lacagahaasi noqdeen kuwa loo adeegsado burburinta dawlad goboleedyada, burburinta barlamaanka, ku masruufidda dad qaaqalayaal ah oo hoteelada Muqdisho deggan, xaflado tumasho ah, kooxo kumanaan gaaraya oo baraha bulshada laga shaqaalaysiiyey, fatwooyinka wadaado soo saaristeeda qaar lagu bixiyey, odoyaal iyo siyaasiyiin fashilmay mushaar aysan xaq u lahayn loogu qoray, iyo ceeb intaas ka badan.

    Illaa iyo qatigee ayuu gobolka Banaadir canshuurtiisu ay noqonaysaa mid aan adeegyadii awgood dadka looga qaaday aan lagu qaban?

    Guddoomiye Yariisow, haddii muddo lix bilood ah oo la xisaabshay uu sidaas u waji eg yahay, mudadii sanadka ahayd ee ka bilaabanaysay July 2018 illaa hadda waxaa la qiyaasi karaa in uu dhex-dabaalanayo badweyn fadeexooyin ah oo keenay in uu diido in la xisaabiyo, balse haddii uu ku adkaysto diidmadaas aan qiilka lahayn, oo xataa wasaaradda arrimaha guduhu ay amar ku siisay in uu u hogaansamo isla xisaabtanka, wadada kaliya ee furan waa in loo maxkamadeeyo ku takrifalka canshuurta dadka Muqdisho ama shacabka Muqdisho ay noqdaan kuwa maxkamadeeya Yariisowga dusha laga saaray?

    Madaxweyne Farmaajo ballanqaadkiisii ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ma wuxuu ku soo gabagaboobay in uu gabbaad siiyo in sidaan canshuurta Banaadir loogu takrifalo, isla markaana la diido isla xisaabtankii dastuuriga ahaa? Waxaa madaxweynaha laga sugayaa in uu baalka ka soo bixiyo Yariisow si loola xisaabtamo?

    G. Banaadir Mas’uuliyad weyn & Maal badan ayaa yaalla, lagumana hogaamin karo maskax yariis ah, guulwadeyn iyo waxqabad eber ah.

    G. Banaadir Mas’uuliyad weyn & Maal badan ayaa yaalla, lagumana hogaamin karo maskax yariis ah, guulwadeyn iyo waxqabad eber ah.

    W/Q: xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

    Axmed Macalin Fiqi G//Banaadir Top Xildhibaan Fiqi Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHoggaamiyihii Daacish oo 5 sano kadib muuqaalkiisa la baahiyey, Hanjabaad cusubna soo saaray. [Sawirro]
    Next Article Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya oo la fasaxay.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo