Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Fiqi oo su’aalo badan ka keenay Qaabkii dowladu u Eriday Wakiilkii Q/Midoobay [Akhriso]

    Xildhibaan Fiqi oo su’aalo badan ka keenay Qaabkii dowladu u Eriday Wakiilkii Q/Midoobay [Akhriso]

    January 2, 2019Updated:January 2, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mida dadka sida weyn ugu kacsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hor yimid go’aanka lagu eryay wakiilkii Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

    Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaaasi ahayd mid aan laga baaraandegin oo lagu degdegay: “Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!, waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin..” ayuu yiri.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

    Kalimadaha “Wadaniyad iyo madaxbanaani” oo asal ahaan ah kalimado wanaagsan waxaa laga dhigay shaati la gashado marka dad la siraayo ama kuwa kale la xumaynaayo, waxaana laga bixiyey xuduudoodii lagu aqoon jirey.

    Qodob dastuuri ama sharci kale oo caalami ah oo loo cuskaday warqaddaas dalka looga eryay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ma jirin, kalimadda ugu cuslayd ee la adeegsadayna waxey ahayd “Madaxbanaanida dalka”, ayadoo la wada ogsoon yahay in mas’uulkaasi uu sheegay oo kaliya “Dilal loo geystay dad Soomaaliyeed, kuwo la xiray iyo Musharax la soo afduubtay oo intuba ka dhacay magaalada Baydhabo” kulligoodna dhab ah.

    Dadkaada ha dilin, sharci darro ha ku xirin, Isla markaana musharixiin tartamaysa ha u kala hiilin marka laguu soo jeediyo haddii ay noqonayso “in madaxbanaanidii dalka la faragaliyey” waxa jira cudur la yiraahdo “Kali-talisnimo” oo ay u daran tahay in dhagihiisu ay maqlaan: aragti ka duwan tiisa, xorriyatul qawl, rabitaanka dadweynaha, dimuqraadiyad…iwm.

    “Haddii ay dhab tahay in madaxbanaani daleed la ilaalinayo, todobaadkaan gudihiisa waxaa warbaahinta Soomaaliyeed ay soo bandhigayeen askar itoobiyaan ah oo xuduuda ka soo gudubtay kuwaas oo la qabtay ayagoo ka qeyb qaadanayey dagaalo beelo Soomaaliyeed dhex marayey, ma aanan maqal illaa iyo hadda cid dawladda madaxbaanida ka tirsan oo ka hadashay dhacdadaas xadgudubka ah” laakin qoraalkii Nicholas Haysom 24 saac ka yar ayaa jawaabo kala duwan looga bixiyey.

    Warqadda wasaaradda arrimaha dibaddu ay qortay waxey aheyd mid ka arradan luqadda diplomaasiyadda ee adduunku wax isugu qoro, degdeg iyo fudeyd ayaa ka muuqatay, sanadka cusubna wuxuu u eg yahay mid saanqaad qaldan ku bilowday.

    Ugu danbeyn wuxuu mudan yahay in la cambaareeyo weerarkii lagu beegsaday xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM shalay, waxaana soo jeedinayaa in baaritaan Madax banaan la baaro weerarkaas iyo waxyaalaha la xiriira.

    Fiqi Haysom UNSOM Xildhibaan Axmed Cali Fiqi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Somalia ma ku degdegtay eryidii Wakiilkii Q/Midoobay..? [Akhriso Dood weyn oo ka dhalatay]
    Next Article Somalia orders top U.N. official to leave

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo