Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay xildhibaanada mooshinada wada.
Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka
“Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada.
Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.
Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan.
Xildhibaan Fiqi wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu gefkaasi jawaab ka bixiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha Dastuurka, hadda kadibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefayo hey’addaha dowladnimada ku taagan tahay, sida Baarlamaanka.
Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay Sheekh Nuur Baaruud inuu hadalka kasoo yeeray ee aan munaasibka aheyn uu ka noqdo, cudurdaarna ka bixiyo.