Musharixii bixiyey lacagtii ugu badneyd oo laga guuleystay iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo ku fashilmay inuu soo saaro walaalkiis
Xildhibaan cusub ayaa kusoo baxay doorashadii ugu adkeyd ee sanadkan ka dhacday Soomaaliya guud ahaan, kadib saddex wareeg oo la codeeyay iyo 9 Musharax oo kursigani ku tartamay.
Cabdirasaq Cabdullahi Macalin Ciid ayaa ku guuleystay wareegi saddexaad kursiga Gollaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee tirisigiisayu yahay HOP063, kaasoo ay leedahay beesha Agoon Cadballa ee Xawaadle.
Wareegii saddexaad ayuu C/risaaq C/llaahi Macalim Ciid kusoo baxay 56 cod, kadib markii musharixii la taratamay Maxamed Daahi Xaaji oo dhinaca Hooyada la dhashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu helay 44 cod. Hal cod ayaa xumaaday.
Doorashada ayaa ahayd mid adag oo wareegii labaad lagu kala bixi waayey markii musharax kasta helay 50 cod, laakiin dadaal olole doorasho iyo lacago badan oo la bixiyey waxaa ugu danbeyn kusoo baxay C/risaaq Ciid.
Musharixii uu watay C/casiis lafta-gareen ayaa bixiyey lacagihii ugu badnaa, laakiin uma suuragelin inuu kusoo baxo kursigan tartankiisu taariikhda galay. (Halka ka Akhriso Lacagaha la bixiyey)
