Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee hor boodaya mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay qaadaceen oo marnaba aanay ka qeygali doonin kulanka wadahadalka ee Mooshink oo uu ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaan Goodax wuxuu ku eedeeyay gudoomiye Jawaari uu hareer maray sharciga, islamarkaana uu adeegsanayo awood uusan shaqo ku lahayn. “Shirka uu gudoomiyaha sheegay inuu qabanayo bisha 7-deeda ee maanta ah, dabcan waxay ku saleysneyd in aqbalaad ay jirto labada dhinaca, dhinaca xildhibaanada mooshinka xil ka qaadista ka keenay madaxweynaha iyo Madaxweynaha, Labadaas dhinac inay ogolaadaan bay ku xirneyd, annaga waan diidnay, waxaan ku sababeynay in gudoomiyaha uusan awood u lahayn in mooshinka yiraahdo waa la afjaray” ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.
Wuxuu kaloo sheegay in mooshinka ku af jarmi karo laba arrin oo kaliya, in maxkamadda awoodda u leh loo gudbiyo, maxkamadda ay tiraahdo mooshinkaan sal malahan, iyo in maxkamadda ay intay soo gudbiso baarlamaanka kusoo celiso, baarlamaanka markaas loo waayo codkii, Seddax Dalool Laba loo waayo.
Xildhibaano ka mida kuwa Mooshinka ka keenay Madaxweynay ayaa wararku sheegayaan inay aqbaleen shirka uu ku baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka, taasoo muujineysa inay kala qeybsan yihiin xildhibaanada Mooshinka waday.
Wadani.com