Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu maanta Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan hore
oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Federaalka.
Xildhibaan Cali Cumar Nuur oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee 9aad oo dhowaan xilkiisu dhammaaday ayaa ku geeriyooday gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.
Xildhibaanka ayaa lagu waday in maanta lo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo xaalad caafimaad loogu waday sida uu xaqiijiyey Maareeyaha Garoonka aadan Cadde Ashkir Jaamac.
Xildhibaanka hore ayaa la sheegay inuu istaagay wadnaha istaagay xilli uu sugayay diyaaradii uu ku qornaa.
Wadani.com