Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si weyn u cambaareeyay kooxda Alshabaab, isgoo sheegay in dadkii ay ka laayeen shacabka Soomaaliyeed laga aari doono oo aan looga hari doonin.
Isagoo ka hadlayey isu soo bax uu soo qabanqaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir oo looga horjeeday qaraxii qasaaraha badan dhaliyey 28-kii Bishii hore ee Disembar ayuu sheegay in Gobolka Banaadir uu leeyahay guddooomiye yaqaan xabbada, isagoo codsi u diray.
“Guddoomiyaha Gobolka wuxuu noo sheegay inaan ooynin ee ka aarsan doono.. Gobolka Banaadir hadda wuxuu leeyahay guddoomiye yaqaan xabbadda.., guddoomiye Cumaroow waxaan rabaa inaad nagu hogggaamiso inaan shabaab ka daba tagno, waai naan gedigeen inaan askar noqono… waxaan meel kasta oo ay galaan uga daba tegeynaa Alshabaab..” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo farriin u diray Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere.
HOOS KA DAAWO