Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweyneyaashii hore ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inay khatar badan la geliyay diyaaradii ay la sodden, iyadoo saacad ka badan hawada lagu celceliyey.
Wuxuu sheegay in markii ay galeen hawada magaalada Beledweyne loo sheegay duuliyaha diyaaradda inuusan degi karin, kadibna go’aansaday inuu dib ugu laabto Muqdisho, mar danbe haddana loo sheegay inuu degi karto, iyadoo khatar badan ay galeen balse ay nabad tageen ugu danbeyn magaalada Beledweyne.
Xildhibaan C/risaaq Jindi ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ka Jiri Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo diyaaradooda ka hor ay ka degtay diyaarad kale oo weyn, balse si gaara iyaga culeys loo salary si looga baajiyo tegista magaalada Beledweyne.
Duuliyihii diyaaradda waday ayuu sheegay inuu wajahay culeyso badan iyo amarro la siinayo oo aan la ogeyn cidda bixineysa, balse markii ay weydiiyeen uu u sheegay in magaalada Beledweyne laga amray inuu dib u celiyo diyaaradda, mar kalena Hay’adda Nabadsugidda ay amarka bixisay, laakiin aanu wax cad u sheegin.
Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa booqday degaanada ay dadka u barakaceen dada magaalada Beledweyne ee fatahaadda ay barakiciyeen.