Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha xildhibaannada Hore-u-socod ayaa ka digay lacagaha cusub ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay soo daabacdo.
Xildhibaan Cabdullahai Maxamed Nuur oo hore u ahaa Wasiir u Dawlihii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya ee dowladii Xasan Sheekh, haddanna ah Xogahayaha Malaiyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiyaha xildhibaanadii Qabyo ayaa ka digay in xilligaan lacago loo soo daabaco waddanka.
Wuxuu sheegay in dalku u baahan yahay lacag gaara inay lahaato, balse ay jirto shuruudo gaara iyo wadahadal uu soo bilaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo lala galay hay’adda Adduunka, isagoo sheegay in iyadoo aan la buuxin shuruudahaasi ay dhibaato weyn dhalin doonto in lacag cusub la soo daabaco.
“Mas’uuliyadda lacag daabicidda ma laha Wasiirka Maaliyadda, Bankiga Dhexe wuxuu noo sheegay in caqabado badan ay horyaallaan…” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in lacag hore loogu daabacay dalka Suudaan ay taallo dalkaasi, ayna suuragal noqon weyday in la soo qaado.
Qiimaha lagu daabacayo lacagta cusub ayaa gaaraya 41 Milyan oo Doolar oo aanu heysan Bankiga Dhexe, wuxuuna intaas ku daray in dhibaato amni iyo siyaasadeed ay hortaagan yihiin daabicidda lacagta cusub.
Toddobaadkan ayay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo bandhigtay naqshadda ay yeelan karto lacag cusub oo loo soo daabacayo waddanka Soomaaliya.