Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa xildhibaanada Puntland ayaa la sheegay inuu geeriyooday.
Xildhibaanjan ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax Gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhowaan, iyadoo xaalad caafimnaad loogu qaaday dalka Kenya.
Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in xildhibaan Bootaan oo ku jiray isbitaal ku yaalla magaalad Nairobi uu dhaawicii cuslaa u geeriyooday.
Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Gaalkacyo isagoo qeybaha danbe ee jirkiisa ku waayay qaraxa.
Wadani.com