Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle lagu dilay qarax loogu xiray Gaarigiisa.
Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, kadib markii gaari uu watay oo nooca raaxada ah uu qarxay.
Xildhibaankan ayaa ka mid noqonaya dhowr xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo weeraro kala duwan lagu dilay.