Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ee sida weyn ugu kacsan Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamda ayaa mar kale dood ka keentay hadal ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxamaan Tuuryare oo ahaa in ammaanka caasimadda lagu wareejiyay madaxda Gobolka Banaadir oo lagula xisaabtami doono iyaga.
“Anaga ammaanka waxaan kula xisaabtameynaa Wasaaradda Amniga gudaha ama ha iska wareejiso ama yaaney wareejin” ayay tiri Xildhibaan Khadiija oo jawaab u dirtay Sheekh Nuur Baaruud oo dalbaday in sharciga argagixisada ee yaala Baarlamaanka ay ansixiyaan.
Dhageyso Codka Xildhibaan Khadiija
Wadani.com