Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo ilaaladiisa ayaa ku lug yeeshay is-rasaaseyn ka dhacay Aagga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, taasoo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Waxaa la sheegay in Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda uu ku dhintay, qaar kalena ku dhawacmeen is-rasaaseyn Halka laga galo Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, dhinaca Danwadaagta ee degmada Wadajir.
Arrinan ayaa ka dhalatay muran soo kala dhex galay Ciidamo militari ah oo la socday Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Yusuf Kabaale) iyo Askarta Nabadsugidda ee ku sugan koontaroolka Medino Gate, kadib markii ay joojiyeen Gaadiid uu la socday xildhibaanka iyo ciidankii ilaalada u ahaa oo yimid dhanka dhinaca degmada Wadajir.
Sarkaalka NISA ee ku dhintay is-rasaaseynta ayaa magaciisa lagu sheegay Carabeey, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mida ilaalada Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Yusuf Kabaale), iyadoo xaaladda mark i danbe la qaboojiyay.

