Waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu doortay kursi ka mida Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka oo laba wareeg la isla gaaray.
Kursigan HOP004 ayaa waxaa ku taramay 5 musharax, waxaana isugu soo haray wareegii labaad laba musharax oo kala ah: Cabdinaasir Xaaji Maxamed Shirwac iyo Bilan Bille Maxamed.
Wareegii labaad waxaa kuguuleystay kursiga HOP004 ee beesha Xawaadle / Cabdalle Samatalis Mudane Cabdinaasir Maxamed Shirwac oo helay 61 cod, halka Billan Bille Maxamed ay ka heshay 40 cod.
Cabdinaasir ayaa ka mid ahaa Xildhibaan Baarlamankii Dowladi Kumeel-gaarka Dowladii Sheekh Shariif, isagoo2018 u tartamay Madaxweynaha Hirshabelle. Wuxuu hadda ka tirsan yahay Xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif.
