Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in xildhibaan Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) uu ku guuleytay kursiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee uu baneeyay agaasimihii Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus).
Kursigan oo degaan doorashadiisa ahayd magaalada Baydbaba ayaa waxaa u tartamay oo kaliya xildhibaanka la doortay, kadib markii goobta laga waayey musharixii la tartami lahaa Siidcali Cismaan Xuseen oo Guddiga Doorashada ay sheegeen inuu ku maqan yahay dalka Canada, mana cadda sababta hal musharax doorasho loogu qabtay.
Xildhibaanka maanta la doortay e Cali Afgooye ayaa helay dhamaan codadkii ergada dhiibteen, waxaana doorashooyinka Guddiga Doorashada ee ay hoggaamiso Xalimo Yarey ay u badan yihiin kuwo aan lagu tartamin oo mugdi badan ku jiro.