Sidee Farmaajo u dhex galay Isbaheysigii Doorasho ee Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle yeelan lahaayeen..?
Wasiirkii hore ee Warfaafinta, ahana xildhibaan dooran Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kashifay qorshe isbaheysi doorasho oo ay ku heshiiyeen beelaha madaxda Siyaasadda beelaha Dir iyo Digil & Mirifle.
Qorshahan ayuu Maareeye sheegay inuu ku saabsnaa sidii wax looga bedeli lahaa awood qeybsiga xilalka sare ee dalka (Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka), laguna ballamay in labada beelood ay shir ku yeeshaan magaalada Baydhaba, marka doorashada soo dhammaato.
“Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka”. ayuu yiri Xildhibaan Maareeye oo qoraal soo saaray.
Wuxuu caddeeyay in shirkaasi jihadii uu ku socday laga leexiyey, isagoo Madaxweynaha K/Galbeed oo aanu magacaabin ku eedeeyay inuu qorshahaasi ka baxay oo uu ka shaqeynayo in sidii hore wax ku socdaan.
“Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya” ayuu yiri Mareeye.
Warkan ayaa soo baxay kadib markii taageerayaasha Farmaajo ay shaaciyeen in Baydhaba ay ku shirayaan xildhibaannada labadan beelood oo taageeraya in dib loo doorto Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Inta badan xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ayaa si weyn uga horjeeda dib u doorashada Farmaajo, waxayna bilaabeen olole ay uga baaqsanayaan shirkii Baydhabo ee uu soo dhex galay Farmaajo.
