Waxaa goor dhoweyd Xarunta Akadeemiyadda Booliska ee Muqdisho kusoo gabagaboobay doorashada Kursi ka mida Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasoo kasoo jeeda Somaliland.
Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#225 waxaan ku tartamay wasiir hore iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo 20 sano ku fadhiyey kursiga iyo wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame Siciid, kaasoo la sheegay inuu isagu la yimid.
Natiijadii codeynta ayaa noqotay sidii la filayey in Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu heli dhammaan codadkii ergada marka laga reebo 3 cod, waxaana sidaa xildhibaan ku noqday Xildhibaan Maareeye.
Natiijada ayaa noqotay: Ergada codeysay waxay gaareysay 101, waxaa xumaaday 2 cod.
C/raxmaan Warsame Sicid = wuxuu helay 3 Cod
Maxamed Cabdi Xayir Maareye wuxuu helay 96 Cod.
Doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo dib u dhac weyn galay ayaa inteeda badan lasii ogyahay natiijada, waxaana ergada soo qorta Musharax gaara, taasoo xiiso la’aan ka dhintay Doorashada 2021/2022.
