Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka ee sida weyn uga horjeeda dowladda Farmaajo ayaa kahor yimid go’aanadii kasoo baxay hay’adaha ammaanka.
Wuxuu diiday in ganacsatada Muqdisho lagu abaal mariyo handadaad, been iyo propganda hantidooda iyo sumcadadooda lagu burburinayo.
HOOS KA AKHRI FARRIIN UU SOO DIRAY
DALKAAN LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED!
Wasiirka Amniga, Taliyaha Hay’ada NISA iyo Taliyaha Booliska waxa ay sheegeen inay ogyihiin Ganacsatada lacagta siisa Alshabaab. Ayna tilaabo sharci ah ka qaadayaan. Mid midna loogu yeeri doono ganacsatadaas!
Hadaba waxaa iga su’aal ah: lacagta la siiyay Alshabaab hadii Xukuumada iyo laamaha Amniga ogaadeen, maxay u ogaan waayeen kuwa Shabaabka ah ee canshuurtaas baadda ah ka qaadaya ganacsatada iyo kuwa isku qarxinaya Shacabka masaakiinta ah ee aan waxaba galabsan?!
Amniga inla sugo Alshabaabna xididada loo siibo waan soo dhaweynaynaa, waanan kala shaqeynaynaa Xukuumada iyo Hay’adaha Amniga lkn marnaba sax ilama ahan in ganacsatada reer Mogadishu ee canshuurtoodu Dowlada Federaalka ah ku nooshahay in loogu abaal gudo handadaad, been iyo propaganda hantidooda iyo sumcadooda lagu burburinayo.
Sidoo kale hadii ay soo baxaan arimo sidaan oo kale ah si Hay’adaha Dowlada iskaga kaashaadan loona helo sharciyad cadowgana lagula dagaalamo Dadka Shacabka ahna aan xuquuqdooda loogu xadgudbin waa in Xukuumadu soo sameysaa Hindise Sharciyeed kadibna laga ansixiyaa Goleyaasha Barlamaanka. DALKAANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED EE WAA IN XUKUUMADU LA TIMAADAA QORSHE DHAMAYSTIRAN OO AMNIGA WAX LOOGA QABANAYO!