Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu ka danbeeyo warka kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ee ku saabsan laba xildhibaan oo lagu heysto Qarandumis.
Mahad Salaad oo ka mida xildhibaannada sida weyn ugu kacsan hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan laga qaad xasaanad, lana dacweeyo loo maro wado sharci iyo ogolaansho Baarlamaan, wuxuuna madaxweynaha isagoo la hadalya yiri: Garsoorka hanaga danbaajin!
“Waxa aad ka gubaneyso haddey tahay mooshinka lagaa qorayana xeer ilaalin kaama joojin karto ee Xildhibaanada ha isku sii caraadin…” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo dagaalkiisa siyaasadeed si toos ah ugu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaankan oo hore u soo ahaa wasiirka madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mida koox olole mooshin xil ka qaadis madaxweyne ka abaabushay Muqdisho, kaasoo markii danbe gaari waayay kooram oo lagu xiray kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka.