Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Mahad Salaad oo Farriintii ugu yaabka badneyd u diray Madaxweynaha [Farmaajo: Shalay & Maanta]

    Xildhibaan Mahad Salaad oo Farriintii ugu yaabka badneyd u diray Madaxweynaha [Farmaajo: Shalay & Maanta]

    October 13, 2019Updated:October 14, 20193 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibannada mucaaradka ku ah madaxweyne Farmaajo oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin yaab leh u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Qoraalka farriin oo uu dalbaday xildhibaanka in la gaarsiiyo Madaxweynaha ayuu isku dayey inuu ku difaaco mowqifka Aden Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo ka qeyb galay xafladii caleemo saarka Axmed Madoobe oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore iyo xildhibaankan, wuxuuna qaab beeleysan iyo aragti ku saleysan shalay iyo maanta kusoo gabagabeeyay in hab dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida isku mid yahay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARRIINTA MAHAD SALAAD EE KU SOCOTA FARMAAJO

    Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba fariimo isugu jira handadaad iyo propaganda uga soo diri jirtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku mashquulsanaa difaaca badda Soomaaliya oo dacwadeedu ka socotay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), cid ilaa hada iska waraysatay ama adiga wax kaa waydiisayna majirto.

    Sanadkii 2018 bishii May waxaa degmada Dhoobleey ee gobolka jubada hoose tagay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata isagoo fasax aan soo waydiisan dowlada Soomaaliya, kamana aadan hadlin. Isla sanadkaas siyaasiin Soomaali ah ayaa loo diiday in ay shir ku qabsadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale oo arintaas ka hadlayna wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dacwad usoo gudbisay, qof mucaarad ku ah Farmaajo na uusan shir ku qabsan karin dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in ADIGA, ISAGA iyo UHURU isku qabiil tahiin mar uu la hadlayay shacabka reer Gaariso.

    Sidaas si lamid ah hotelada magaalada Mogadishu waxaa kuu degan Gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo hada kahor yiri Kismaayo iyo Kulbiyoow lagama xukumayo Xamar, maalin walbana idaacadaha la taagan cayda iyo propagandada siyaasiinta reer Mogadishu iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan. Lacagta ku baxdana laga bixiyo canshuurta laga soo qaado hooyada suuqa bakaaraha Yaanyada ku gada!

    Haddaba, su’aashaydu waxay tahay:

    1. Shalay Adan Bare Ducaale markii hoteelada iyo maqaayadaha Kenya uu ka xirayay siyaasiinta siyaasad ahaan ku dhaliishan, uuna ku faanayay in aad isku beel tihiin muwaadin Soomaali ah miyuu ahaa maantana ma ajnabi dalka kusoo duulaybaa?

    2. Hadii Adan yahay muwaadin Kenyan ah xaqna uusan u lahayn in uu ka hadlo ama yimaado dhulka Soomaaliyeed in ina adeerkiis Faarax Macalin hotelada Mogadishu kuu jiifo, caydeenana lacag aad ku siiyo ma xalaalbaa iyadu?

    3. Diyaarad Kenya ka timid oo dad Soomaali ah sida hadii ay tahay ku xadgudub madax banaanida Soomaaliya maxaa xalaal ka dhigay safarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ku tagay Dhoobleey oo dhul Soomaaliyeed ah isagoo aan fasax ka haysan dowlada Soomaaliya. Qof dowlada Soomaaliya ka socdana uusan la socon?

    4. Ciidamada Itoobiya in ay dadka ku xasuuqaan Baydhabo, doorashadana kuu dhacaan, maalin walbana diyaarad aad usii saarantahay maxaa xalaal ka dhigay Kenyana xaaraan ka dhigay bal iyadana wax nooga sheeg?

    Mudane Madaxweyne dadku kaama garasho yara, wax gooni ahna ma dheerid ee xilka laguu dhiibtay ayaa lagugu xurmaynayaa ee xayndaabkaaga sharciyadeed hasoo dhaafin hadii kale qof dadka la siman ayaad noqonaysaa!

    Mahadsanid Madaxweyne.

    W/Q: Hon. Mahad Salad

    Aden Barre Farmaajo Kenya Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIn ka badan 10 Ciidamada Kenya oo lagu laayey Qarax Miino oo ka dhacay degaan u dhow xuduudka Soomaaliya
    Next Article Siyaasi Caan ah oo mucaarad ku ah Madaxweynaha Puntland oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo