Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada mucaaradka ku ah madaxda dowladda Somalia ayaa ka hor yimid shruduudo ah madaxda maamul goboleedyada ku xireen wadahadal dhex mara dowaldda Federaalka, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qoraal kasoo baxay oo ay ku dalbadeen faragelin iyo dhexdhexaadin laga dhex sameeyo iyaga iyo dowladda Federaalka.
“War-Murtiyeedka kasoo baxay Dowlad Goboleedyada inay codsadaan in gacan sadexaad dhex-dhexaadiso iyaga iyo Dowlada Federaalka ah waa wax la fahmi karo, inkastoo laga fiicnaa oo sida meesha ka muuqata ay u gacan haatinayaan faragelin shisheeye, kuna kalsoonaan waayeen hay’adihii Dowlada Federaalka…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo arrin kale ku heysta madaxda maamul goboleedyada.
“Laakiin in wadahadalka Dowlada Federaalka ay shuruud ku xiraan. Sharciyada Dowlada Dhexena ay shaki geliyaan. Amnigeena kuma aamini karno Dowlada ay dhahaan waxay dhaawac weyn ku tahay Dowladnimada Soomaaliya. Mana ahan wax la aqbali karo..” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa cambaareeyay faragelinta shisheeye ee madaxda dowlad Goboleedyada xilligan dalbadeen, taasoo uu hore u diiday madaxweyne Farmaajo kadib baaqii uu ugu yeeray madaxdaasi shir ka dhacaya magaalada Muqdisho 17-18 September.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA