Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qarxiyey ujeedka xukuumadda Somalia ka leedahay wax ka bedelka Sharciga Bankiga Dhexe oo la hor geeyay Baarlamaanka, kaasoo lagu wado in Isniinta laga doodo.
Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka hoggaanka dowladda Somalia ayaa sheegay in BEEC GEYNTA BANGIGA DHAXE ay tahay mashruuc bilowgiisa ay arkaan, laakiin dhamaadkiisa cidi aysan ogeyn, isagoo intaas ku daray in soo jeedinta wax looga badalayo Sharciga Bangiga Dhexe ay tahay sidii si nin AJNABI ah loogu dhiibi lahaa Bangiga Dhexe.
“Sharciga Bangiga Dhaxe ee wax ka badalka lagu samaynayo ayaa xeerinaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed..” ayuu yiri Mahad Salaad oo is weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin.
1. Maxaa xikmad ah oo kujira in xiligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhaxe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?
2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?
3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hadda aysan muhiim ahayn?!
Dooda dheer ayaa ka taagan go’aanka xukuumadda Somalia ay ku dooneyso in Bankiga Dhexe uu maamulo qof ajnabi ah, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo in ninka loo dhiibayo uu kasoo jeedo UK.