Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay qoraal ay xalay soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somalia oo ku saabsanaa xilliga ay dhaceyso doorashada maamulka Galmudug ee khilaafku hareeyay.
Mahad Salaad ayaa ku dooday in Galmudug ay ay tahay dowlad Goboleed dhisan oo leh Dastuur u gaar ah, Madax la doortay, wuxuuna intaas ku daray in sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG Inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.
“Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo si toos ah ula saftay madaxweyne Xaaf oo hoggaamiya Garabka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.
Xildhibaannada kasoo jeeda degaanada Galmudug ayaa ku fashilmay inay heshiis ka dhex abuuraan labada qeyb ee uu u kala jabay maamulkii Galmudug, waxaana dowladda Federaalka ay qaar ka mida ku eedeeyeen inay ka danbeyso khilaafka Galmudug.