Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa fasir yaab leh ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ee uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka aan lahayn dowlad maamusha.
Xildhibaanka ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha Uganda uu daliil cad u yahay siyaasad xumida Nabad iyo Nolol iyo faham la’aanta ka heysata siyaasada arimaha dibadda iyo loolanka siyaasadeed ee kajira Geeska Africa oo u baahan in si foojigan oo miyir qabta looga baaraan dago.
Wuxuu sheegay in kooxda talada dalka heysa ay u baahan tahay inaysan ku dhex dhicinqorsheyaasha iyo danaha is-diidan ee quwadaha waaweyn iyo kuwa Geeska Africa ee ku wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN sidaas daraadeed waxaan kugula talinaynaa Mudane Madaxweyne in dalkaan iyo dadkaan loo turo, lagana daayo siyaasadaan qar iska tuurnimada ah ee aad ku maamulaysaan!..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo warkii madaxweynaha Uganda oo ku saabsanaa dowladnimada Soomaaliya u weeciyey mid gaar u ah hoggaanka Madaxweyne Farmaajo.