Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan Mahad Salaad oo talo dhexdhexaad ah u soo jeediyay Farmaajo & Maamul Goboleedyada

    Xildhibaan Mahad Salaad oo talo dhexdhexaad ah u soo jeediyay Farmaajo & Maamul Goboleedyada

    October 26, 2018Updated:October 26, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay talo dhexdhexaad ah u soo jeediyey madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo khilaafkoodu meel xun gaaray.

    Qoraal uu faafiyey ayuu  ku dhaliilay go’aanadii kasoo baxay shirkii maamul Goboleedyada ee magaalada Garowe, wuxuuna dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dalka iyo dadka ka badbaadiyo bohosha ay ku socdaan sida uu yiri,

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD

    1. Madaxweyne Maamul Goboleed.

    2. Madaxweyne Madaxweyneyaal Maamul Goboleed.

    3. Maamul iyo ciidan ka madax banaan midka Dowlada Dhaxe.

    4. Xisbi siyaasadeed oo dagaal siyaasadeed lagu dhisay. Dadna la iskaga celinayo.

    5. Shirweyne kulminaya mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.

    Ciyaartaan si jaanta iyo jiibta la iskula helo waxaa ka dhiman ayaan filayaa Barlamaan, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad ka madax banaan mida Dowlada Dhaxe ee tolow iyaduna ma shirka Dhuusamareeb ayay ka dhalan doonaan?!

    Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin keligii garramay iyo nin dhul gannay midna ma gefo” saaxiibadey madaxda Dowlad Goboleedyada waxaan dhihi lahaa keligiin ayaad garanteen waxa meesha yaalana waa HARAG SAGAARO. Harag sagaarana iiga kac ma ahee iiga durug ma leh ee xaalka hala dajiyo sidaan Soomaali ayaa kusii kala tagaysee!

    Madaxweyne Farmaajo waxaan leeyahay Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Waxa jira sadex abaar. Abaar geel, abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko la’aan, abaar dumarna waa ubad la’aan, abaar ragna waa arin la’aan”.

    Duqiyow taladii dalkaan iyo dadkaan looga ariminayay ma haysid amaba waa kaa qaloocantahay ee isdabo qabo. Dalka iyo dadkana bohosha ay ku socdaan ka badbaadi. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oronaysa “Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan”. Duqiyow xisaabtu dhankaaga ayay ka xirmi la’dahay ee fadhigaan fadhi kale ku badal!

    Soomaalida kale ee durbaanka ka daba tumaya labada dhinac sax iyo qaladba waxaan dhihi lahaa yaanan noqonin ninkii isku helliyay NIRIGTII dibno la’aanta ahayd iyo hashii naaso la’aanta ahayd ee yiri: “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa” ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan u turno, kana shaqeyno in loo kala dab qaado odoyaashaan biyaha hoostooda iska haraatinaya.

    Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu na haleeshiiyo towfiiqda iyo talada tii toosan. Aamiin.

    Hon. Mahad Salad

    Baarlamaanka Farmaajo Maamul Goboleedyada Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo u jawaabtay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya [Akhriso Qoraal Xisaab-celin ah]
    Next Article AMISOM oo shaacisay in Sarkaal sare oo Alshabaab ah lagu dilay Gobolka Sh/Hoose

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo