Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Xildhibaan Mahad Salaad oo weeraray Farmaajo: Mudane Madaxweyne Soomaaliya Xagee u socotaa..?! [Akhriso]

    Xildhibaan Mahad Salaad oo weeraray Farmaajo: Mudane Madaxweyne Soomaaliya Xagee u socotaa..?! [Akhriso]

    June 10, 20177 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas’uuliyada uhayeen.

    Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Doorashadii Madaxweynaha, Magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha iyo Dhismihii Xukuumada. Kalsoonidaas oo hadii aan la’dabo qaban ay suurtogal tahay in ay noqoto LA MOOD NOQONSE WEYDAY..!

    Waxa igu abuuray inaan maqaalkaan soo qoro, kadib markii aan arkay guuxa baaxadda leh ee ay qabaan Dadka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii ay filayeen iyo si-u-dhow midna inaysan wax u soconin. Kadib markii aan yaqiinsaday in Madaxweynaha iyo qoloda ku xeeran aysan dareensaneyn in ay jiraanba wax qaldan.

    Anigoo ka duulaya qaladaad dhowr ah oo horay usoo dhacay ayna suuragal tahay hadii laga aamuso in ay Soomaaliya ku dhacdo mar labaad godkii mugdiga ahaa ee ay ku dhacday 27 sano kahor.

    Sidaas daraadeed, aniga oo ka duulaya arimaha aan soo sheegay ayaa waxaan go’aansaday inaan idinla wadaago qoraalkaan aan ku cabirayo dareenkeyga iyo midka malaayiin Soomaali ah ee aaminsan in Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo uusan ka dhabeynin balanqaadyadii uu kahor jeediyay Shacabka Soomaaliyeed. Aniga oo aaminsan in aysan jirin niyad xumi Madaxweynaha dhankiisa ah ayaa hadana waxaan aaminsanahay qaladaadka jira in ay sabab u yihiin dhowr arimood oo isbiirsaday, sida:

    1. Madaxweynaha oo shaqadu ku culustahay, walina aad moodo inuu ku gudo jiro ololihii doorashada ee soo dhamaaday 8 Feebaraayo 2017, walina uusan usoo jeesan meel marinta balan qaadyadii lagu doortay. Madaxweynaha oo aan wali helin dad ehel u ah oo warbixin ka siiya waxa dalka kajira, talooyin wax ku’ool ahna siiya. Taasoo sida muuqata iskaba daay waxa Dalka kajiree xitaa ay kari waayeen saaxiibadiis in ay warbixino waafi ah ka siiyaan waxa xaafiiskiisa ka-dhex-jira. Tusaale hadaan usoo qaato:

    – Wareysi uu la yeeshay horaantii asbuucii tagay Madaxweynaha wargeyska Sharq-Alawsat ee London ka soo baxa ee afka Carabiga lagu qoro, ayaa waxaa la su’aalay Madaxweynaha: Markii aad Mareykanka joogtay mushaarkaaga waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaarkaaga muxuu la egyahay? Madaxweynuhu waxa uu ku jawaabay: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma qaadan oo malihi, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo.

    – Hadaba si aad u ogaatid aqristow jawaabta saxda ah. Miisaaniyada Xaafiiska Madaxweynaha waa 4milyan iyo dhowr boqol kun oo dollar. Mushaarkiisuna waa $96,000 dollar sanadkii. Afartii sano ee la soo dhaafayna isla sidaas uyuu u qornaa. Barlamaanka hada jirana si KMG ah ayuu u ansixiyay bishii April ee isla sanadkaan inta Miisaaniyad cusub laga sameynayo. Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha Qaranka uusan ogeyn miisaaniyada Xaafiiskiisa iyo mushaarkiisa inta uu yahay oo ku qorneed miisaaniyada Dowlada afartii sano ee lasoo dhaafay! Waa suurtogal Madaxweynuhu inuusan baahi u qabin mushaar! Laakiin danta Dalka iyo Dadka ayaa kujirta inuu ogaado qof waliba waxa uu Qaranka ku leeyahay ee xuquuq ah oo isagu ugu horeeyo si waajibaadka saarana lagula xisaabtamo!

    2. Dabci ka sameysan degdeg oo ku badan hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha, taasoo ah wax ku cusub masraxa siyaasada Soomaaliya. Degdegaas oo mararka qaar u horseedaya inuu qaato go’aamo aan laga fiirsan. Kuwaas oo keeni kara xasilooni daro Amni iyo mid Siyaasadeed oo Dalka u horseeda burbur horleh meeshii laga sugayay deganaansho Siyaasadeed iyo horumar lagu diirsado. Tusaale hadaan usoo qaato:

    – Madaxweynuhu waxa uu baalmaray Qaraarkii Golaha Shacabka soo saaray 30 April 2017 ee ku saabsanaa dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Isagoo qaatay go’aamadii kasoo baxay shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweyne yaasha Dowlad Goboleedyada ee Muqdisho lagu qabtay 16 April 2017.

    Shirkaas oo Golaha Shacabka dhaliil aad u xoogan ugu soo jeediyeen Madaxdii go’aankaas gaartay. Kuna sheegeen go’aamadaas kuwa ay soo gaareen Dowlado Shisheeye laguna xalaaleysanayo gacmo Soomaaliyeed. Kadibna Madaxweynuhu waxa uu geeyay go’aamadaas Shirkii London si Beesha Caalamka oo markii hore lahayd soo jeedinta go’aamadaas markale looga meelmariyo. Bilaabayna dhaqan gelinta go’aamadaas isagoo og in uu jiro Qaraar Baarlamaani ah oo arintaas kahor imaanaya.

    Taasoo meesha ka saareysa doorkii Barlamaanka ee kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada. Si cadna waxa uu ugu tumanayaa Madaxweynuhu Qaraar Dastuuri ah oo kasoo baxay Hay’adii Dalka ugu sareysay ee kalsoonideeda uu kursiga Madaxweyne nimo kula fadhiyo.

    – Sida Madaxweynuhu dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay Dalka Sacuudiga inuu u balan qaaday Soomaaliya taageero maaliyadeed oo gaaraysa 4bilyan dollar, ayna Dalka ka fulin doonaan mashaariic dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin: dib u dhiska ciidanka, la dagaallanka argagixisada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabka miisaaniyadda Dowlada oo loo balan qaaday 50 milyan oo deg deg ah in qasnada Dowlada lagu soo shubi doono. Waxaa intaas dheer oo Madaxweyne Farmaajo ku sheegay wareysigii wargeyska Sharq-Alawsat uu siiyay in markii uu la hadlayay Boqorka Sacuudiga, uu dareemay inuu yahay walaalka weyn Soomaaliya oo diyaar u ah inuu caawiyo. Waxa uuna sheegay in ammaanka boqortooyada uu ku xiran yahay ammaanka Soomaaliya oo aanan aqbaleynin in la xumeeyo. Hadaba aqristow maxaa dhacay?

    – Maalin dhaweyd waxaa magaalada Muqdisho yimid La’taliyaha Boqorka Sacuudiga si Soomaaliya ay u taageerto mowqifka Sacuudigu ka qaadatey dalka Qadar. Kadibna Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay Soomaali dhex-dhexaad ka noqonayso khilaafka Sacuudiga kala dhaxeeya Qadar. Mowqifkaas oo la mid ah midkii Iran ay ka qaadatay go’doominta dalka Qadar. Marka la fiiriyo go’aanka Dowlad Soomaaliya qaatay waxa ay martay dhanka xulafada Qadar.

    Waxaase intaas ka daran wafdigii loo deyriyay ee Sacuudiga ka socday diyaaradii ay wateen inay horay usii raacaan 6 Wasiir oo Xukuumada Soomaaliya katirsan oo doonaya lacagtii la balan qaaday iyo mashaariic kale ee Sacuudigu balan qaaday inay Soomaaliya ka hirgelinayso. Markii wafdigii Soomaalida tageena waxaa loo soo diray agaasimeyaal. Waxaana lagu wargeliyay hadii ay lacag rabaan inay mowqifkooda badalaan, taageeraana xulafada Sacuudigu hugaaminayo!

    Sacuudigu waa Dal dhaqaale ahaan ay Soomaaliya ku xirantahay, sanadkii 2015 waxaa Soomaaliya Dalka Sacuudiga u iib geysay 5million neef oo xoolo ah. Mana jiro Dal Carbeed oo xiriir ganacsi oo intaas la’eg Soomaaliga kala dhaxeeyo. Carqalad ku timaada xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudigana waxay taabaneysaa nolosha muwaadinka Soomaaliga ah ee reer guuraaga ah.

    – Waxaa xusid mudan afartii sano ee la soo dhaafay Dowlada Qadar Safiir uma soo magacaabin dalka Soomaliya ilaa hadana waxaa u jooga wakiil (Charge de affair). Dowladda Soomaaliya waxay siisay DHUL muhiim ah oo ku yaal Faras magaalaha Muqdisho si ay uga dhisato Safaarad ilaa hadana dhagax lama dhigin! Inkasta oo Dowladihii isxigxigay ee Soomaaliya ay Qadar weydiisteen kaalmo dib u dhis, madax badanina ay booqdeen, haddane mashruuc lataaban karo oo ay Qadar ka fulisay Dalka ma jiro.

    Halka Dowlada Imaaraadka oo dal ahaan ay isku dhigmaan Qadar, Safaarad ku leedahay Soomaaliya, Safiir rasmi ahna u joogo, Dalkana ay ka fulisay mashaariic waaweyn oo la taaban karo sida Isbitaalka Shiikh Zaayid, Xarunta Tababarka Ciidamada, Xarummo Waxbarasho iyo kuwa Maamul oo ay ka dhiseen Gobollo kala duwan ee Dalka.

    – Go’aamada nuucaan oo kale ah waxay u baahnaayeen qiimayn iyo aragti fog ee uma baahneed go’aan aan laga fiirsan oo Dal iyo Dad midina aysan dani ugu jirin. SIYAASADDU WAA KA SHAQEYNTA DANAHA DALKA IYO DADKA EE MA AHAN DANAHA DALAL KALE AMA DANAHA SHAQSIYAAD GAAR AH!

    3. Siyaasiinta ku xeeran Madaxweynaha oo aan ogeyn amaba aan dan ka laheyn caqabadaha baaxada leh ee Soomaaliya ku horgudban iyo shaqada laga sugayo, una arka fursada kaliya ee ay xukunka kusii joogi karaan kasoo muuqashada Warbaahinta, abuurista propaganda iyo iidhehyo wax micno ah oo ay sameynayaan aysan jirin oo aan ka ahayn hantidii Umadda inlagu dhumiyo. Tusaale ahaan:

    – Wasiiro, Agaasime yaal, Gudoomiye yaal Degmo inta loo yeero Warbaahinta inla yiraahdo igu sawira! Farshaxano inta la kireysto cartoons nalugu amaanayo dad siyaasiin ahna lagu ceynayo noo soo sameeya la yiraahdo!

    – Intaas waxaa sii dheer oo Dalka horay aan uga dhicin ayaa ah: in dadka qabiil qabiil iyo jufo jufo la isku diro. Ajaanibtana inta loo dhuunto lala xanto mas’uuliyiin dalkaan xil kasoo qabtay ama kuwa hada haya. Laguna dacweeyo oo la yiraahdo u yeera ee handada si aysan noogu mashquulin!

    Ugu danbeyntii Mudane Madaxweyne xiligii ololaha doorashada waa dhamaaday, waxqabad dhab ah ayaana lagaa sugayaa. Umadda Soomaaliyeedna khilaaf cusub iyo dib udhac waa kasoo daashay, waxa aan soo sheegay oo dhan waxaan uga gol leeyahay inaan ku dareensiino inay jiraan wax qaldan sixidna ubaahan. Gacmo na wadajir ayay wax ku qabtaan. Sidii shalay aan kuu taageernay ayaan kuu taageersanahay maanta ee hala saxo waxa qaldan. Mahadsanid.

    Xildhibaan: Mahad Salad

    Farmaajo Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ciidamada dowladda & AMISOM oo la wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose [Akhriso]
    Next Article Ciidamada Xasilinta oo Hub & dad ku soo qabtay Howlgal ka dhacay Muqdisho & askari la dilay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo