Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay weerar dad lagu laayay oo dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Sh.hoose.
Xildhibaanka ayaa sheegay in inay layaab tahay weerarkaasi inay fuliso dowladda sheegata inay hormuud ka tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, haysatana tiknoolajiyadda aduunka ugu sareysa ee wax lagu basaaso, wuxuuna intaas ku daray inay shaki gelineyso howlgallada Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD
XASUUQA BARIIRE!!!
Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka beeraleyda ahaa ee saakay aroortii lagu xasuuqay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose. Xasuuqaas oo ay gaysteen Ciidamo ka amar qaata Dowlada Maraykanka sida ay noo sheegeen dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.
Waxaa sidoo kale wax lala yaabo ah Dowlad sheegta inay hormuud ka tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, haysatana tiknoolajiyadda aduunka ugu sareysa ee wax lagu basaaso marka howlgalo nuucaan oo kale ah la fulinayo inay fuliso howlgal nuuc oo kale oo lagu laynayo dad shacab ah, iyada oo waliba horay loogu sheegay dadka ku sugan deegaankaas inay yihiin dad beeraley ah sida ay noo sheegeen saraakiisha hugaamisa Ciidamada Soomaaliya ee Gobolka Shabeelada Hoose ku sugan.
Dhacdadaan waxay noqoneysaa midii labaad ee lagula kaco dad isku deegaan kasoo jeeda mudo sanad ka yar sida weerarkii Maraykanku ku laayay Ciidamo reer Galmudug ah dabayaaqadii sanadkii 2016. Taasoo shaki badan gelinaysa howlgalada Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya ujeedooyinka laga leeyahay iyo cida bixisa amaradaas!
Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada inay si deg deg ah arintaas baaritaan ugu sameeyaan lagulana xisaabtamo cidii falkaas geysatay iyo cidii amarka bixisayba.
Hon. Mahad Salad