Xildhiban Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa digniin u diray wasiirada xukuumadda Kheyre.
Wuxuu sheegay inay cafiyeen Wasiirka Dastuurka, isla markaana xildhibaanadii mooshinka keenay ay ka codsadeen in la soo afjaro mooshinkii ka dhanka ahaa, laakiin wuxuu sheegay in arrintan ay digniin u noqoto wasiirada kale.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inay qorshaha ug jirtay inay mid mid ugu yeeraan wasiirada xukuumadda, lana xisaabtamaan, basle ay hadda xaaladii qaboojiyeen.
“Wasiirow haddii lagu yeeray inaad ajiibto ayay ahayd, sababtoo waxaan diideynay inaan arrimahaas oo kale soo noqnoqdaan, waxaan rabaa inaan wasiirka cafino oo weliba naga baryay, waana inay digniin ku noqoto kuw kale..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
DHAGEYSO