Mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa eedeyn ba’an u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya isagoo sheegay inuu dayacay mas’uuliyadiisii.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda ammaanka ku eedeeyay inay dayaceen ammaanka shacabka iyo mas’uuliyiinta dalka oo ay xildhibaanada ku jiraan.
Xildhibaanka ku hanjabay inay dowladda Soomaaliya iyo madaxweynha kula xisaabtami doonaan dhibaato walba oo shacabka gaarta iyo sida ay wax uga qabtaan qaraxyada iyo dilalka Magaalada Muqdisho ka dhacaya ee sii kordhaya.
Wuxuu sheegay in balanqaadyadii Farmaajo ee doorashada ay meesha ka baxeen, isla markaana ay niyadjab soo wajahday shacabka, xaaladuna ka sii dareyso, wuxuuna weeraray hogaanka madaxweyne Farmaajo.
Warkan ayaa ka soo yeeray xildhibaanka oo xalay ka badbaaday qarax lagu weeraray Gaari uu watay, kaasoo dhaliyay dhaawac gaaray ilaaladii Xildhibaanka.
Wadani.com