Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay inay mid mid iyo koox koox u tanaasulaan, waxaana ugu danbeeyay xildhibaan Maxamuud Cali Nuur o ugu baaqay Xildhibaandii 93-ka ahaa ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha in ay tanaasulaan, kana laabtaan Mooshinka madaxweynaha.
Xildhibaan Maxamuud Cali Nuur ayaa sheegay inay dalka ay ka jirto xaalad adag oo isugu jirta Amaan daro, dhaqaalo yari iyo duruufo Siyaasadeed, isla markaana uu ku talinayo in daruufta ka jirta dalka loo naxo oo tanaasul la sameeyo, loona naxo duruufta dalka.
“Anigu keligey ma tanaasulayo ee saaxiibadey mooshinka keenay ayaan doonayaa inay tanaasulaan, waan tanaasuleynaa wadahadal ayaan galeynaa” ayuu yiri Xildhibaankan oo caddeyn ahaan u soo qaatay in xildhibaanadu kala qeybsameen.
DHAGEYSO WAREYSIGA IYO BAAQA XILDHIBAANKA
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]