Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland caawa lagu dilay Waqooyiga magaaladaasi.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxaana Caawa toogasho ku dilay koox hubeysan oo weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa agagaarka Hotel Clasic ee magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale la dilay nin ilaalo u ahaa.
Wararka ayaa sheegaya Kooxdii dilka geysatay ay ka baxsaday, iyadoo meydka Xildhibaanka iyo askarigii la socday la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidamada amniga oo baaris ka bilaabay.
Dilalka ka dhaca Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee hoos taga maamulka Puntland ayaa waxaa inta badan sheegta kooxda Al-shabaab.