Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaan u dhow Madaxweyne Farmaajo oo Digniin & talo u diray Ra’iisal wasaare Kheyre [Safarka Kismaayo]

    Xildhibaan u dhow Madaxweyne Farmaajo oo Digniin & talo u diray Ra’iisal wasaare Kheyre [Safarka Kismaayo]

    March 10, 2019Updated:March 11, 20194 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Faarax Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia, una dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo farrriin dheer oo isugui jirta talo soo jeedin iyo digniin u diray Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo ku saabsan safarkiisa magaalada Kismaayo.

    Xildhibaan Faarax Xasan Cabdi ayaa si weyn u canbaareeyay maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay keli-talis dadka caburiya, si awood ahna ku heysata, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha uga digay inuu socdaalkiisu uga sii daro xaaladda ba’an iyo cadaadiska lagu hayo dadka ku nool Kismaayo.

    QORMADA XILDHIBAANKA HOOS KA AKHRISO

    RW Safar Salaama marka hore.

    Marka xiga waxaan ku xasuusinayaa arrimaha hoose:

    RW waxaad u socotaa deegaan dadka Soomaaliyeed ee joogaa ka kooban yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo dhan, isla markaasna ay ka jirto cabburin iyo cabsi gelin xoog leh oo dadka in badan oo ka mid ahi dareemeen xorriyad la’aan.

    Dad Soomaaliyeed oo aan loo aabo yeelin loona turin sharaftooda iyo Maalkooda toona, farahooda laga bixiyey hanti badan oo ay lahaayeen, qofkii hadla oo sheegta culeys looga daro laguna kordhiyo dhibaatada, kufsi aan lagu kala soocin marwo iyo marrey, gabar iyo hooyo loo geystay, wiilashooda aan dambiilayaal aheyn hortooda lagu laayey ama meydkooda laga soo aruuriyey xeebaha Calanley iyo Kibora, in badan oo ka mid ah la uusduugay oo aan geeri iyo nolol midnaa ogeyn.

    Dad Soomaaliyeed oo dareensan in farihii kululaa ee Shabaab lagula joogay ama Raaskiyambooni lagu ahaa lagu maamulay, loo ciqaabay Soomaali cidday ka yihiin oo aysan sababteeda laheyn, loo ciqaabay waxay aaminsan yihiin, loo ciqaabay maxaad u dareentay waxa dhacaya, loo ciqaabay xiriiro kale oo ay la lahaayeen dad la kala aragti ama siyaasad duwanaa.

    Dad Soomaaliyeed oo shaki lagu kala riday laakiin xaqiiqdu tahay in isku si loo cadaabay, lagu abuuray shaki qabiil, iyadoo qabiil Soomaaliyeed oo ku nabad galay meeshaas uusan jirin.

    Dadku aad uma dareemaan laakiin dhibka ugu badan waxaa kala kulmay qabiilka ay dadka kale aaminsan yahay inay haystaan maamulkaas. Oo qaarna dekeno qoorta loo geliyey qaarna iyagii gacantooda lagu dulmay.

    Dad Soomaaliyeed oo waxgaradkii laga qaxiyey oo in badan oo ka mid ahi qaxooti iyo barakacayaal noqdeen, intii soo hartayna lagu kallifay inay gabadaan oo aysan hadli karin.

    Dad Soomaaliyeed oo xanfaley laga adeejiyey, la tusay iyo wiilal Soomaali ah oo afduuban isla markaasna fara fudud ka adeegan doonaan hadday dareemaan waxa socda,

    Dad Soomaaliyeed oo laga adeejiyey shisheeye dano kala duwan ka leh dalka oo qaar dhul doon yahay, qaarna nacfi doon yahay sababayna ciddii soo eegta inay cadaabaan.

    Dad Soomaaliyeed oo ay ku adkaan doonto inay kuu yimaadaan iyagoo xasuusan taarikhihii soo maray, hadday kuu yimaadaanna farriimaha ay keenayaan yihiin kuwa aad uga duwan dareenkooda iyagoo ka baqaya in looga daro marka laba beri ka dib ka soo tagto, ama dareemaya kuwa kula jooga markaad kulmaysaan inay yihiin kuwii cadaabi jiray ama kuwa u adeega oo xogta waxay ka hadleen la heli doono loona ciqaabi doono.

    Dad Soomaaliyeed oo dad aan matelin laga soo hormarin doono laguuna sheegi doono inay yihiin kuwii matalayey iyadoo laga fogaanayo inaad xog rasmi ah heshid.

    Dad Soomaaliyeed oo ku nool cadaab aan hadda dunida ka jirin iyo cabburin dad aan u naxeyn danna ka laheyn in xisaabi ka dambeyn karto.

    Hadaba RW adigoo dareensan intaas iyo in ka badan, waxaa xil kaa saaran yahay inaad soo aragtid dadka Soomaaliyeed adigoo ka taxadaraya arrimaha hoose:

    -Madaxbanaanidooda dad ahaan iyo aragti ahaanba.

    -Nabadgelyadooda markay kuu imaanayaan iyo markaad ka soo tagtidba.

    -Inaad ogaatid xaaladda dadku ku nool yahay, iyo duruufaha ku hareeraysan.

    -Inaad si hoose u xog-ogaalsatid dadka ku dhibaateysan Xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaal magaalada.

    -Inaad si dhab ah u ogaatid dareenka Isbaddel ee ay doonayaan iyo nooca uu yahay,

    RW waa xil ku saaran inaan dadkaas Soomaaliyeed ku niyad jabin safarkaaga, kuna dhibtoon intaad joogtid iyo markaad ka soo noqotidba.

    Ogow waxaad RW u tahay shacabka Jubbaland ee dhibaateysan iyo kuwa ay dhibka ka tabanayaanba.

    Waxa ugu xun ee dhici karaa waa in farriin hal dhinac ah ku soo gaarto iyadoo dhinaca kale awoodi waayaan inay ku gaarsiiyaan dareenkooda, adigoo dalkaan ka ah mas’uul sare.

    Ilaahay talo saaro kuna dhiirro la kulanka qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo aysan diyaarinteeda mas’uul ka aheyn gacantana ku heyn maamulka hadda joogaa.

    Adiga iyo dadkuba inaad xorriyad dareentaan waa muhiim intaad wada joogtaan iyo ka dibba.

    Ugu dambeyn waa kugula talinayaa inaad soo marto magaalooyin kale oo aadan Kismaayo ekaan. Waxaad tegi kartaa dhamman degmooyinka gobolka gedo iyo Degmada Afmadow.

    Guuleyso

    W/Q: Xildhibaan Faarax Xasan

    Axmed Madoobe Kheyre Kismaayo Top Xildhibaan Faarax Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article3 Somali ah oo ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines [Sawirrada burburka diyaaradda]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay shilkii Diyaaradeed ee Itoobiya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo