Raadraac ay sameysay shabakadda Wadani.com ayaa waxay soo bandhigeysaa qeyb yar oo ka mida isbedeledda aan qiyaasta lahayn ee Xidhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadda hormuud ka ah Mooshinka qaar ka mida xildhibaanada Baarlamanka ka keeneen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaankan oo in ka badan laba sanadood taageere iyo saaxiib u ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana safka hore uga jiray dhammaan ololeyaashii lagu riday Ra’iisal wasaareyaashii kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/weli Sheekh Maxamed wuxuu mar kaliya is bedelay markii uu kasoo bixi waayay liiska wasiirada ee xukuumadda Cumar C/rashiid, isla markaana balantii uu ka qaaday Xasan Sheekh loo fulin waayay.
Waxaan halkan idinkugu haynaa Barnaamijkii Faaqidaadda todobaadka ee Laanta Af-soomaaliga VOA-da ka baxay 16-kii November 2013. Barnaamijkaasi oo looga dooday khilaafkii markaas u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana ka qeyb galay:
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
- Xildhibaan Faarax Cawad Jaamac
- iyo Garyaqaan Axmed Cali Maxamed Kheyre oo ka tirsan Jaamacadda London qeybteeda qaanuunka.
Waxaa xiiso leh in Barnaamijkaasi uu daadihinayay Daauud Aweys Jaamac oo hadda ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya. C/raxmaan Xoosh ka sokow sida uu madaxweyne Xasan Sheekh markaas u adeecsan yahay iyo ololaha uu ugu jiro ridista Ra’iisal wasaare Saacid, wuxuu si cad ugu dhawaaqayaa inaan mooshin laga keeni karin madaxweynaha:
“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii la yiraahdo waan ka hortageynaa, maba laga hortegi karo, sababtoo ah dastuurku waxaa ku qoransaddex dalool laba in la helo, laakiin in la aado xitaa mooshin maba la keeni karo, sababtoo ah waa inay jirtaa Maxkamadii Dastuuriga ahayd, mana jirto, Ra’iisal wasaaraha ayaana mas’uul ka ah oo shaqadiisii gabay sanad ayuu joogay mana dhisin…”. ayuu yiri C/raxmaan Xoosh oo si weyn u difaacayay madaxwynaha.
Xildhibaan Xoosh-ka Maanta ma aha kii hore hadda wuxuu ku doodayaa mooshin uu ka sido madaxweynihiisii shalay dusha u saarnaa isagoo weliba waxa uu ku doodayo ay ahay sharci, inuu yahay sharci yaqaan loo heysto balse arrimaha oo dhan isu bedeleen rabitaan shaqsi.
“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii la yiraahdo waan ka hortageynaa, maba laga hortegi karo, sababtoo ah dastuurku waxaa ku qoran saddex dalool laba in la helo, laakiin in la aado xitaa mooshin maba la keeni karo, sababtoo ah waa inay jirtaa Maxkamadii Dastuuriga ahayd, mana jirto, Ra’iisal wasaaraha ayaana mas’uul ka ah oo shaqadiisii gabay sanad ayuu joogay mana dhisin…”. XILDHIBAAN C/RAXMAAN XOOSH
Hadda waxaad dhageysaneysaa Mowqifka Xildhibaan Xoosh oo qura
Dooda oo aad u xiiso badan fadlan ka dhageyso VOA ama halkan riix
Wadani.com