Xidhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo hab dhaqankiisa hoggaamimeed, kadib socdaalkii uu ku wehliyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee la geeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Kenya sida ogtahay iyadoo xiriirkii noo goysay, muddo badan sheeganeysay Bad aan leenahay oo haddana dowladda Soomaaliyeed handadeyso ayaa waxaa dhacay wax filanwaa noqday oo ah in Madaxweynihii oo gacanta la hayo laga dejiyo magaalada Nairobi, iyadoo aan xiriirkii la soo celin..” ayuu yiri xildhibaan Zakariye oo ka mid ahaan jiray taageerayasha Madaxweyne Farmaajo.
Wuxuu sheegay inaysan munaasib ku ahayn Madaxweyne Soomaaliyeed oo astaantii Qaranka ahaa inuu sidaas u dhaqmo, Wuxuuna caddeeyya in arrin halis ah ay iminka taallo oo dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay umadda u caddeyso sidii ay wax u dhaceen.
Xildhibaan Zakariye ayaa ku baaqay in Baarlamaanka looga yeero madaxweynaha si wax looga weydiiyo heshiiska la sheegay inuu la galay Kenya, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku fududaaday tegista magaalada Nairobi.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA MUSTAQBAL