Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ka hor yimid wax ka bedelkii ay xukuumaddu wadatay ee Bankiga Dhexe oo Baarlamaanku maanta u coddeeyay.
Xidhibaanka oo saxaafadda la hadlayey kadib codeyntii maanta ka dhacday Baarlamaanka ayuu sheegay in xukuumadda laga rabo kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ah ee la doonayo inuu Bankiga Dhexe qabto, wuxuuna caddeeyay in xeerka la bedelay uu ka hor imaanayo sharciyadii dalka oo dhan.
Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in arintan ay la mid tahay Qiyaano Qaran oo la mida Dhiibistii Qalbi Dhagax , wuxuuna intaas ku daray in khaladaad badan dalkan laga galay, kana aamuseen si uu qaranku u socdo, laakiin in dalkii la bixiyo aysan ogolaan karin.
Wuxuu sheegay in arrintu ahayd qorshe lasoo maleegay oo si degdeg ahna loo xiray Baarlamaanka, balse aysan yeeli doonin, isla markaana ay dib u furi doonan Baarlamaanka, sida uu yiri.
“Maanta waxay mareysaa in Shiineeska loo fasaxay inay xaalufiyaan kheyraadkii Badda..” ayuu yiri xildhibaan Zakariye oo ka digay heshiiska ay dowaldda Soomaaliya ruqsad kalluumeysi u saxiixday shirkado Shiinees ah.