Dacwad ku saabsan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka taagan magaalada Muqdisho kadib fadeexad ka dhalatay dhowr nin mar qura wada sheegatay inay u dhaxdo.
Xildhibaanadan oo ka mida Golaha shacabka ayaa lagu magacaabaa Huda Axmed, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan soo shaac baxday markii ay isku dayday inay ka tagto odaygii ay la nooleyd oo muran dhex maray kadibna u gacan qaaday oo jirdil u geystay.
Xildhibaanada ayaa xabsiga dhibay odaygii qabay ee jirdilka u geystay, waxaana dhacday in markaas ay xaaladu soo shaax baxdo, markii nin kale oo sheegtay inuu qabo haweeneydan xildhibaanada ah oo ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu soo baxay.
Warar kale ayaa sheegaya inuu soo baxay nin saddexaad oo sheegtay inuu isna qabo Xildhibaanad Huda, tani oo sii adkeysay kiiskan yaabka leh oo hareeyay xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ay ku dhex xalintiisa odayaal.
Arrinta ayaa qaraxay markii nin hore u qabay uu soo gaaray Muqdisho isla markaana ay damacday inay ka tagto odaygii ay la nooleyd. Waa kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah oo dibadda u soo shaac baxa, lugtana la gala xildhibaanada Baarlamaanka.
Wadani.com