Iyadoo olole loogu jiro ka mid noqoshada Golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabayo ayaa su’aal weyn ka dhalatay xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubno ka mida xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta doonaya inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasoo keentay in guddoonnada labada gole ay ku wareereen go’aankii ay ka qaadan lahaayeen arrintan.
Sida la xaqiijiyay ma jiro qodob si toos ah u diidaya in Senatoorada Aqalka sare ay ka mid noqdaan Golaha wasiirada, kumana cadda dastuurka KMG ah, waana arrin ku cusub Soomaaliya inay yeelato Aqal sare.
Dhaqanka dunida kale ee ku dhaqanka baarlamaanada labada aqal ka kooban ayaa Aqalka sare ama Senete-ka ay yihiin kuwo sharci ahaan aan loo ogoleyn inay xukuumadda iyo awoodda fulinta ka mid noqdaan.
Labada guddoon ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa kula taliyay xubnaha ka tirsan Aqalka sare inaysan ka mid noqon Golaha wasiirada, inkastoo aanu jirin qodob taasi u diidayana aysan ku habooneyn, taasoo qaar kamida xubnaha doonaya inay ka mid noqdaan golaha wasiirada aanay ku qancin.
Aqalka sare ee dhowaan la sameeyay ayaan lahayn weli xeer hoosaad, waxaana arrintan ay ka mid tahay qabyada sharciyeed ee Dastuurka KMG ah.
Wadani.com