Xildhibaanada Labada gole ee baarlamaanka Federaalka ayaa ku kacay inay u kala xagliyeen musharixiinta xilka madaxweynaha ee Soomaaliya.
Xidhibaanada ayaa soo buuxiya fadhiga musharxiinta qaar iyadoo musharaxiin kalena loo banneeyo fadhiyada oo ay la kulmaan fadhiyo maran oo xildhibaanadu aad ugu yar yihiin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada si joogto ay ugu celceliya inay musharixiinta u dhageysteen si isku mida, balse taasi ma dhicin oo labadii jeer ee xildhibaanadu dhageysteen khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha waxaa dhacday in Baarlamaanka laga dareemo xildhibaano la’aan.
Baarlamaanka ayaa ku furma tiro u dhiow 200 laakiin waxaa ku harta fadhiga in ka yar 100 xildhibaan iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin xildhibaano gaaraya 320 xildhibaan oo labada aqal ah.
Xildhibaanada cusub ee labada aqal ayaa la filayay inay ka duwanaan doonaan xildhibaanadii hore oo soo shaqo geli jiray 12:00 duhurnimo kadib, waxaase muuqata inuusan jirin isbedel weyn.
Wadani.com