Xildhibaano ka soo jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo maalmahan ku mashquulsanaa sidii ay ugu heshiin lahaayeen awood qeybsiga maamulka la filayo in loo dhiso labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo hore madaxweyne Xasan Sheekh kulamo kala duwan ula yeeshay isla markaana ula tegay qorshe cusub oo dib loogu dhisayo Guddiga Farsamada maamul u sameynta labada gobol.
Xildhibaanadan oo ay hor boodayaan C/qaadir Cosoble iyo Cali Nuur ayaa muddo ku howlanaa inay ku heshiiyaan halka la dhigayo gogosha shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo goobta noqoneysa caasimadda maamulka cusub.
Xildhibaanadan ayaa isku mari waayay labadan arrimood kadib markii xildhibaanadii Beesha Xawaadle ay dalbadeen inay isku darsadaan labada mansab ee kala ah in gogosha la dhigo magaalada Beledweyne, Caasimadana ay isla magaalada Beledeyne noqoto, arrintaas oo ay ka biyo diideen xildhibaanadii beesha Abgaal.
Labada dhinac ayaa hore ugu midoobay inay ka hor yimaadaan guddiga farsamada maamul u sameynta ee uu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Craxmaan Odowaa, waxayna kula taliyeen madaxweynaha in la kansalo guddigaasi oo lagu bedelo mid cusub oo ka kooban 31 xubnood.
Wadani.com