Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha oo jawaab kulul u diray Jawaari (War-saxaafadeed)

    Xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha oo jawaab kulul u diray Jawaari (War-saxaafadeed)

    September 26, 2015Updated:September 26, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha  ayaa war jawaab ah soo saaray caawa iyadoo u soo jawaabeen qoraalkii ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku laalay mooshinkaasi.

    War-Saxaafadeedka hoos ka akhri

    1. Xildhibaanada mooshinka keenay waxaa ay tixraacayaan go’aanka kasoo baxay guddoonka golasha shacabka ee taariikhdiisu aheyd 25/09/2015 kuna saabsanaa Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha.

    2. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxay tix raacayaan maareynta Wada hadal galinta  mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo taariikhdiisu aheyd 12/09/2015 oo isaguna ku saabsanaa isla Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha.

    3. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay ka soo horjeesteen qaabka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu talo galay in lagu agaasimo mooshinka sababaha awgood:

    • Marka hore Guddomiyuhu awood u malaha in uu fasiro Dastuurka iyo Sharciga midkoodna, Hubinta iyo Fasiraadda qodobka 92-aad ee in Madaxweynahu ku xad gudbey shuruucda waxaa iska leh Maxkadamadda dastuurka ah ee howl u taallo Guddoomiyaha Baarlamaanka ma aha. Sidaa daraadeed Guddoomiyuhu waxaa uu muujiyay Xagjirnimo iyo caacad darro la xiriirta sida uu u agaasimay arinta Miishinka.

    • Kadib markii Guddoomiyaha u sugay sharciyadda iyo sababeyta Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha qoraalna uu ku cadeeyay in mooshinka Maxkamadda awoodda u leh uu u gudbin doono haddii wada hadalka la isku afgaran waayo ayaa waxaa nasiib darro ah in guddoomiyuhu isku dayo in uu cilladeeyo mooshinka isla markaana uu tilmaamo in lasoo afjaray si jiritaanka mooshinka waxaa ay u muuqataa in Madaxweynuhu ku gacan seyray in uu la soo fariisto Xildhibaanada miiska wada hadalka.

    • In Madaxweynuhu Muujiyay daacad darro iyo Musuq maasuq kadib markii Guddoomiyaha golaha shacabka uu ku cadaadiyay in uu ku dhaqaaqo tallaabooyin sharci darro ah oo la xiriira sida looga agaasimay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

    1. 4. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay walaac iyo walwal ka muujinayaan go’aan qaadasho xumida guddoomiyaha golaha shacabka iyo sida uu ugu dhiiranayo ku xad gudubka dastuurka iyo sharci hoosaadka baarlamaanka. Mas’uuliyiinta qaranka waa in ay u dhaqmaan si dowladnimo ku dheehan tahay oo ay ka fogaadaan wax fashil ku ridaya hab dhaqanka siyaasadda hufan iyo u hogaasankan sharciga iyo dastuurka dalka.

    2. 5. Waa markii labaad uu guddoomiyuhu si daacad darro ah uga baxo Xildhibaanada Balan, taas dhalisay in xildhibaanada ku qancaan in uu san marnaba dhex dhexaad ka aheyn arinta Mooshinka, Xildhibaanada waxaa ay ku tilaabsadeen in ay ka gun gaaraan asbaabta kalifeysa uu u macaamilo wax u muuqda Musuqmaasuq iyo wax ka soo hor jeeda danaha dalka sidaasi awgeed Xildhibaanada waxaa ay go’aan ku gaareen in wada hadal dambe aaney galeynin maadaama Guddoomiyhu muujiyay daacad darro soo noq noqtay.

    3. 6. Xildhibaanada waxaa ay shacbka Soomaaliyeed u sheegayaan in guddoomiyaha golaha shacabka uu gud madow ku riday cadaaladdii iyo sareyntii sharciga taasi oo keeni doonta in aan dib loo xisaabtami doonin Madax dambiyo qaran gashay, Mudane jawaari waxaa uu horseeday difaaca Musuq maasuq iyo hoos u dhigga awoodda golaha shacabka, Xildhibaanada waxaa ay shacabka Soomaaliyeed u balan qaadayaan in mar walba ay u taagan yihiin danta dalka iyo dadka.

    4. 7. Waxaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa in ay ky dhiidhiyaan gabood falka hantida umadda lagula kacayo mowfiq adagna ka qaataan .

    5. 8. Kadib markii ay wada tashi la sameeyeen garyaqaanadooda Xildhibaanada Mooshinku waxaa ay soo saari doonaan dhawaan tallaabooyin xiga oo sharciga waafaqsan oo ay tahay in la qaado si mooshinka horay ugu soo socdo.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-7″]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Xil-wareejinta Taliyaha iyo Abaanduulaha ciidamada Milateriga Somaliya
    Next Article Kenya lobbies for CS Amina to be UN Secretary General

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo