Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle maanta la dhaarin doono.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar, isagoo goobjoog ka noqon doona xafladda dhaarinta xildhibaanada maamulka cusub.
Magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta guddoomiye Jawaari, Baarlamaanka maamulka cusub ayaa dooran doona maanta ninka ugu da’da weyn inuu sii hogaamiyo.
Doorashada madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa lagu wadaa in la doorto 15-ka bishan Oktoobar.
Wadani.com