Mid ka mida labada kursi ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka beesha Ogaadeen ee lagu dooranayo magaalada Baydhaba ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Waxaa goor dhoweyd dib loo doortay C/wahaab Ugaas Xuseen uu ku guuleystey mid ka mida labada Kursi ee Beesha ogaadeen ka yaala magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hore waxaa Baydhaba maanta lagu doortay xildhibaanada aqalka hoose ee kala ah:
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)
Fowziyo Sheekh Maxamed
iyo Ibraahim Isaaq Yarow
Waxaa weli socda doorashada oo ka dhaceysa goobo kala duwan, waxaana la filayaa inay ilaa caawa socon doonta.
69 kursi ee lagu dooranayo magaalada Baydhaba ayaa loo qeybiyay in saddex jeer la kala doorto sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada.
Xildhibaanada maanta lagu doortay Baydhaba ayaa ah xildhibaanadii hore oo dib u soo noqday iyadoo aanu ku jirin weji cusub.
Wadani.com